Xirsi Oo Ka Hadlay Doorka Ganacsade Maxamed Aw Siciid Ku Lahaa Ololihii Madaxweyne Biixi

0
Xirsi Oo Ka Hadlay Doorka Ganacsade Maxamed Aw Siciid Ku Lahaa Ololihii Madaxweyne Biixi

Xirsi Oo Ka Hadlay Doorka Ganacsade Maxamed Aw Siciid Ku Lahaa Ololihii Madaxweyne Biixi
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xasan ayaa sheegay in aanay wax qarsoon ahayn sida uu ganacsade Maxamed Aw Siciid u taageerayay xisbiga Kulmiye, islamarkaana uu dhisayay madaxweyne Muuse Biixi. Waxa kale oo uu sheegay in waxyaabihii bilawgiiba gilgilay xukumaddii Siilaanyo uu ka mid ahaa kootadii ganacsade Ina Aw Siciid loogu xidhay xadhiga Interner-ka Fiber Optic(Somcable).

Hoggaamiye Xirsi oo dhacdooyin arrimahan ku saabsan ku xusay buuggiisa Miyiga ilaa madaxtooyada ayaa BBC-du wax ka waydiisay dhacdooyinka qaar waxaanay u dhignaayeen su’aalaha la waydiiyay sidan:-

Su`aal: Waxaad buuggaaga bogga 202 ku sheegtay in ganacsade Maxamed Awsiciid uu lacag badan ku taageerya madaxweyne Muuse Biixi xilligii ololaha doorashada, lacagtaas oo malaayiin doollar gaareysay. Waxaad kaloo sheegtay in xisbiga Waddani uu lacag u ballan qaaday, waa adiga oo Xirsi ah iyo haddii saaxiibbadaadii kale uu Cirro iska kiin hortaagi lahaa inaad xisbiga gashaan, lacagta noocaas ha saameyn intee la eg ayay ku yeelaneysaa siyaasi maalgeliyay madaxweynaha imika talada dalka haya?
Jawaab: Ganacsatadu, Yurubta aad joogtaba way sameeyaan inay la kala saftaan xisbiyada, taas un bay la mid tahay inuu la safnaan jiray xisbiga Kulmiye ee aan ka mid ahaa, iyo inuu dhisayay musharraxaas, waa mid aan muran ku duugneyn, haddaad i weydiisay qodobkaas lacagta, xisbi walba ced baa taageereysay wax weynna uma arko, aniga dhacdada unban werinayay.

Su`aal: dhanka kale bogga 145 waxaad ku sheegtay in waxyaabihii markaaba buuqa geliyay xukuumaddii Siilaanyo ay ka mid ahayd in internet-ka cable-ka ee badda hoosteeda, sida ganacsade Maxamed Awsiciid uu doonayay loo xiro, waliba waxaad sheegtay in dadkii ergada ka ahaa ee u ololeynayay ii ka mid ahaa Muuse Biixi, waliba uu ka mid ahaa dadkii yiri yaan dastuurka la jebin, arrintaas markii dambena waa oggolaateen, marka arrintaasi miyaanay ahayn khalad ilaa imika taagan?

Jawaab: Sidaan buugga ku qoray wuxuu doonayay in isaga gaar looga dhigo laakiin lagama yeelin, markii dambe ruqsadda waa la siiyay. Muuse Biixi wuxuu markii hore ka mid ahaa dadkii wax la doonayay ganacsadaha laakiin markii dambe wuxuu yiri yaan dastuurka la jebin ee aan xal kale raadinno.

Su`aal: Maxaa ugu weynaa waxyaabihii kugu kallifay inaad Kulmiye ka baxdo?
Jawaab: Waxaan ku kala beyrnay madaxweynaha, aragtidii mustaqbalka yaa madaxqeyne noqonaya sidee loo maamulayaa, isagaa madaxweyne ahaaye markii uu go`aan qaatay waan ku qanci waayay waana isaga tegay.

Xigasho:BBCSomali

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.