Xirsi Oo Ka Hadlay Buuggiisa La Faafiyay

0
Xirsi Oo Ka Hadlay Buuggiisa La Faafiyay

Xirsi Oo Ka Hadlay Buuggiisa La Faafiyay
Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan ayaa sheegay in buuggiisa oo aan dhammaystirnayn lagu faafiyay Internet-ka isaga oo ah PDF, islamarkaana uu yahay qayb laga xaday buuggiisa.

Buugga Mr Xirsi ayaa shalay la galiyay Internet-ka isaga oo PDF ah, islamarkaana si bilaash ah loola degi karo. Lama oga cidda buugga bixisay laakiin, Xirsi waxa uu sheegay in laga xaday buugga shirkadda daabacaysay.

Qoraal kooban oo uu boggiisa Facebook ku baahiyay Mr Xirsi ayaa u dhigna sidan:-
“Qoraalka PDF ka ah ee aan dhamayn ee Buugga “Miyiga ilaa Madaxtooyada” ee internet ka la soo geliyay waa tuugo laga soo xaday Madbacaddii iyo dadkii ku hawllanaa diyaarinta Buuggaas. Warqadda lagu sheegayo in qoraalka PDF ka ah aan ku fasaxayna waa beenabuur ay sameeyeen kuwii xaday. Qofna umaan fasixin.”

Buugga Xirsi Oo Sharci Darro Lagu Faafiyay
Daawo Waraysi Hoggaamiye Xirsi Kaga Faallooday Hadal Haynta Buuggiisa
Xirsi Oo Wax Laga Waydiiyay Arrimaha Ku Saabsan Caafimaadka Siilaanyo
Sidee Xirsi U Arka Xukumadda Madaxweyne Biixi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.