Xirsi Muxuu Ka Yidhi Awooddii Aamina Waris?

0
Xirsi Muxuu Ka Yidhi Awooddii Aamina Waris?

Xirsi Muxuu Ka Yidhi Awooddii Aamina Waris?
Hoggaamiyaha xisbiga Waddani ahaana wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa wax laga waydiiyay awoodda uu ku xusay buuggiisa Miyi ilaa madaxtooyada ee dhawaan soo baxay oo uu ku sheegay in marwadii madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Waris labadii sanno ee u dambeeyay intii uu xilka hayay ay talada dalka ku soo dhawaatay.
Xirsi oo u warramayay telefishanka Horn Cable ayaa la waydiiyay doorka ay Aamina Waris ku yeelatay talada dalka markii ay sida uu sheegay talada dalka ku lug yeelatay laakiin, waxa uu u muuqday mid si ka duwan ujeedada buugga ku qoran u sharaxay isaga oo ku dooday in ay la talinta Siilaanyo ku soo dhawaatay inkasta oo uu xusay in markii dambe aanay ka khajili jirin in ay shaqada ku soo faro geliso marka loo eego sidii markii ay isku cusbaayeen oo uu tilmaamay in ay is ixtiraami jireen.
“Marwada waan ku ammaanay buuggayga waxa aan ku tilmaamay Gabadh wax baratay oo ninkeedana ka dambeysa aad ula shaqaysa oo ilaalisa caafimaadkiisa anagana aad noogu ixtiraamta shaqada. Labadii sanno ee u dambeeyay waxa muuqatay in ay ku soo dhawaatay taladii dee taladii ninkeeday ku soo dhawaatay, ninkeeda gabadh walba way la talisa. Waxa laga yaaba in inta la isku cusub yahay haweenka la kala qajilo oo in ay kala soo qayb galaan.. laakiin, markasta oo dadku is dhex galo waxa la isaga soo dhawaada intii, marka in ay talada ninkeeda ku soo dhawaato oo la talisa waa waxay u wada joogaan manaan tilmaamin in inta ay kursiga ku fadhiisatay talada la wareegtay,” Sidaas ayuu yidhi Xirsi.
Waraysiga Xirsi laga qaaday halkan ka daawo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.