“Xirsi In Kaare Jiidhay Waa Run,” Cali Mareexaan

0
“Xirsi In Kaare Jiidhay Waa Run,” Cali Mareexaan

“Xirsi In Kaare Jiidhay Waa Run,” Cali Mareexaan
Siyaasiga Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa sheegay in uu ka makhraati furayo in Kaare jiidhay hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan wakhtiyadii SNM halganka ku jirtay. Xirsi oo arrintaa ka sheekeeyay xilligii uu wasiirka madaxtooyada ahaa ayay dad badan u cuntami wayday in uu qayb ka ahaa halgankii SNM.

Cali Marreexaan oo xalay khudbad ka jeediyay munaasibad Mr Xirsi ku soo bandhigayay buuggiisa Miyi Ilaa madaxtooyada ayaa yidhi “ Waxaan dhallinyaradiina u sheegaya hadal in badan soo noqnoqday oo la sheego, Saw maydaan maqal Xirsi kaara jiidhay? Waxa isku soo beegmay isaga oo wasiirka madaxtooyada ah iyo isaga oo hadlaya oo leh Kaara I jiidhay oo waxa la yidhi ‘waarya faan weyna’! laakiin, waxaan idiin sheegaya horta kaarahaasi wuu jiray, waayo dee xilligii dagaalladu socdeen bay ahayd oo aniguba xilliga waan joogay oo warka waan haya, marka horta qodobka ku darsada wixii kale ee ku maagaysana waa idiin furan yahay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Mareexaan.

Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirkii hore ee madaxtooyada ayaa isu sheegay in uu Xirsi bartay markii Burco laga qaxay 1988 “Aniga 1988 markii dagaalkii ee Burco laga baxay ayaan muuqaal ahaan Xirsi isugu kayo horaysay ilaa iyo intaas marba aqoon baanu isu lahayn oo marba in baanu isku jirnay hase yeeshee xilligii iigu badnaa Xirsi ee aanu wada shaqaynay waxay ahayd xukumaddii Siilaanyo shanti sanno ee hore ee Xirsi ahaa wasiirka madaxtooyada ana wasiirka duulista,” Sidaas ayuu yidhi Mr Xaashi.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.