“Xilli Doorasho Lama Gaadhin, Haddii Aanu Madaxwaynuhu Wax Ka Qaban Wasiirradiisan Ololaha Ka Dul Bilaabay Qarannimadu Jiri Mayso”Boqor Buurmadow

0

Hargeysa(Sayruuq) -Boqor Cismaan Buurmadow oo ka tirsan Hogaanka dhaqanka Somaliland, ayaa Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale ku eedeeyay inuu ku tagri falayo Hantida Umadda. Waxa uu sheegay inaan loo baahnayn loolanka musharaxnimo ee ka dhex socda Siyaasiyiinta Sacad Muuse(Muuse Biixi,Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale), isagoo Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inaanay habboonayn in wasiiradiisu ka awood bataan.

Boqor Buur-Madow,oo isagoo ku sugan Imaaraadka Carabta Khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Somalilandtoday waxa uu Wasiirka Maaliyadda ku Eedeeyay inuu kala dhawaysto Wasiiradda Xukumadda Siilaanyo “Maxamed Biixi Yoonis (Wasiirka Arrimaha dibaddu) waa nin han leh, laakiin nin Musuqmaasuq ku jira oo lacag ku ciyaar ah maaha, laakiin Samaale inuu wasiirrada (Xukuumadda) ninka uu doonana Maaliyadda u badiyo oo uu janneeyo maaha, Madaxwaynahana ka awood bato waa ayaandaro”

Boqor Cismaan oo la waydiiyay inay suuro gal tahay in Wasiirka Maaliyaddu Taageero ka helo Beesha Boqor Buur-madow iyo Madaxweyne Siilaanyo ka soo jeedaan waxa uu ku jawaabay  “Wasiir Samaale oo aanu qabaneyn Kitaabkii uu bartay iyo kii uu qaranka ugu dhaartey oo hantidii umadda ku boolatiigaya Annaga beel ahaan taageero naga heli maayo, laakiin waa laga yaabaa in tixgelin la siiyo haddii uu ragga la mid noqdo oo uu ka dhex baxo Maaliyadda uu ku loofarayo, si caaddiyana u soo tartamo”

Boqor Buurmadow oo ka hadlaya aragtidiisa ku aadan inuu xal u arko waxa uu ku jawaabay “Xilli doorasho lama gaadhin, haddii aanu Madaxwaynuhu wax ka qaban wasiirradiisan ololaha ka dul bilaabay oo aanu fadhiisin, qarannimadu jiri mayso, laakiin Madaxwaynaha ayaana laga rabaa inuu qarannimada iyo xisbigaba ka badbaadiyo wasiirradiisan hantidii qaranka ku boolatiigaya ee xisbigiina gacantooda ku burburinaya”

Hadalka Boqor Buur-madow ayaa imanaya iyadoo Saddexda Siyaasi ee kala ah Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale Beesha Sacad Muuse Dhexdeeda ugu loolamayaan Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye wakhtiga uu dhamaado Hanka Madaxweyne ee Siilaanyo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.