Xildhibaanno Sheegay In Maamulka Puntland Hurinayo Dagaalka Gobolka Sool

0

Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaanno shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa maamulka Cabdiwali Gaas ku eedeeyay in uu hurinayo dagaalka degaanka Gubur Cagaaran ku dhex maray laba beelo wada degan. Waxay ku baaqeen in nabadaynta beelahaas laga shaqeeyo inta aanay arrintu balaadhan waxaanay digniin u direen Puntland.

Degaanka Gubur Cagaaran oo 70KM koonfur ka xiga magaalada Laascaanood waxa dorraad ku dagaalamay laba beelood oo horena dhawr jeer u dagaallamay. Waxgarad soomaaliyeed oo meelo badan iskaga yimid ayaa hore heshiis u dhex dhigay laakiin, waxa muuqata in arrintaasi wali soo noqnoqonayso.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.