“Xildhibaannadu In Ay Ii Yimaadan Lama Ogola,”

0
“Haddii Aniga & Lafta-gareen Sii Dayn Kari Wayno Roobow Ma Sii Joogayno Xilka,” Mursal

“Xildhibaannadu In Ay Ii Yimaadan Lama Ogola,”
Guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka loo diiday in ay yimaaddaan aagga uu degan yahay. Waxa uu sheegay in goluhu ka madax bannaan yahay xukumadda sidaas awgeedna loo baahan yahay in la dhawro xorriyadda mudaneyaasha si ay suuro gal u noqoto in ay mudaneyaashu u yimaaddan guddoomiyaha.

Waxa kale oo uu xukumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay sii dayso Sheekh Mukhtaar Roobow loona ogolaado in uu ku noqday magaalada Baydhabo ee laga soo xidhay si uu uga mid noqdo musharraxiinta tartamaysa. Waxa uu sheegay in bulshada Koonfur Galbeed ka biyo diidsan tahay faro gelinta xukumadda, islamarkaana ay tahay in loo ogolaado in ay doortaan cidda ay doonayaan.

Waxa uu ku baaqay in ammaanka Baydhabo la ilaaliyo lana soo celiyo sharciga iyo kala dambeynta. Waxaanu mid sharci ah ku tilmaamay mooshinka uu gacanta ku hayo ee ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.