Xildhibaanadii Guurtida Ee Guddoomiye Saleebaan Sheegay In La Anshax Marinaayo Oo Talaabadaas Ku Tilmaamay Mid Gef Ah Oo Shuruucda Dalka Baalmarsan.

0

Hargeysa(Sayruuq):-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye(Gacan) iyo xildhibaan Maxamed Weli Warsame Cali oo ka mid ah mudaneyaal ka tirsan aqalka golaha Guurtida oo guddoomiye Saleebaan dacwad lagu anshax marinaayo u gudbiyey gudida joogtada ah ee golahaas, ayaa sheegay in dacwadaasi mid gef isla mar ahaantaana baal marsan shuruucda iyo distoorka qaranka Somaliland.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, ayaa sidan ku sheegay mar uu shalay la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu tilmaamay in aanay jirin waxa xad gudub ah oo ay ku sameeyeen distoorka qaranka Somaliland.

“Marka hore annagu waxaanu nahay Baarlamaan, golaha Guurtiduna waa Odeyaal dhaqan oo odeyaashii dhaqanka ayaanu nahay, marka horena dacwadan uu naga gudbiyey waxaa uu u cuskaday qodabka 89aad ee distoorka, distoorkiina waanigan gacanta ku haya anigu, waxaa aynu wax ku nahayna waa distoorka oo aanu xildhibaanka ku nahay, umaddana aanu ku metalayno, wax ka siyaado ah oo aanu nahayna ma jirto, waxaan u arkaa in kaasi gef yahay aniguna aanan waxba ku xad gudbin distoorka qodobka 83aad iyo mid kale toona in aanan ku xad gudbin, ayaan anigu qabaa.”.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa carabka ku dhuftay in waxa lagu haystaa ay tahay in ay u hadleen isla mar ahaantaana ay fikirkooda si xor ah ugu cabireen dareenkooda ku aadan muddo kordhinta golaha Guurtidu u samaysay xukuumada Siilaanyo sida oo kalena ay ku taageereen go’aankii sadexda xisbi qaran iyo xukuumadu ay isla soo gaadheen, isaga oo carabka ku dhuftay in uu go’aankaas u arkaayey mid dan u ah nabad galyada Somaliland.

“Waxaan qabaa marka hore anigu xildhibaan ayaan ahay distoorka qarankuna waxaa uu xaq ii siinayaa oo xuquuqda muwaadinimada aan ku leeyahay in aan ra’yigayga aan u gudbiyo si toosan, si dadban si suugaamaysan, si mudaharaad haddii ay arrintu tahay si walba xalaal ayaa uu iiga dhigayaa, waxaana distoorku leeyahay waxii muwaadinka ra’yigiisa dhaafsiisan haddii uu soo jeediyo looma qabsan karo taas waan cuskanayaa, waxaana aan leeyahya xaq ayaan u leeyahay taas, kumanaan xad gudbin, qodobka la ileeyahay laftiisa haddii aan soo qaato qodobka 83aad ee dastuurku waxaa uu leeyahay haddi doorashada madaxweynaha iyo ta madaxweyne ku xigeenku ay dhici weydo arrimo nabad galyo aawadood, waxaana arrintaas xaq u leh in ay eegaan oo baadhaan oo qiyaasaan wakhtiga lagaga baxaayo arrimaas waa golaha Guurtida, maanta wax nabad galyo la’aan ah oo jirtaa ma jirto mid baahsan iyo mid kooban toona, dalkeenu waa maalintii uu ugu deganaanshiyo badan yahay. Intaa kadib in maanta aniga oo nabad galyada taageeray la’igu dacweeyo oo aan idhi sida ay nabad galyadu ku jirto ayaan raacayaa, taana waxaa ay ila tahay indho la’aan ayaan u arkaa, waxaa kale oo ay tahay distoorka qaranka meelna kagama qorna hadii aad go’aanka golaha Guurtida aad ka soo horjeesato dambiile ayaad tahay.”.Ayuu yidhi Axmed Gacan.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Weli Warsame Cali oo aanu khadka taleefanka kula xidhiidhay, ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo sida uu u arko dacwadaas anshax marinta ah ee laga gudbiyey, waxaana uu sheegay in uu sugaayo inta ay hortagayaan gudida joogtada ah ee dacwada loo gudbiyey.

Sayruuq.com

Hargeisa-somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.