Xildhibaan Waabeeye Oo Beeniyey Inuu Isugu Yeedhay Golaha Dhexe Ee KULMIYEE

0

Hargaysa(Sayruuq) Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Waabeeyo, ayaa beeniyay warar uu sheegay in si khaldan loo turjumay, Guddoomiye Waabeeyo wuxuu meesha ka saaray wararkii sheegayay inuu isugu yeedhay Golaha dhexe ee Xisbiga.

waabeyey.JPG

“Waxaanu habeen dhawayd isugu yeedhnay xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE xaflad qado sharaf ah Huteelka Maansoor, sidaad ogtihiin waxa soo baxay baryahan  xooga Khilaaf ah, oo loo qaatay in awooda Guddoomiye Muuse Biixi aan anigu qaatay oo isugu yeedhay Golihii dhexe iyo guddidi Fulinta, sidaana may ahayn waa la hayaa Muqaaladii waxaanu saxaynay uun in aanu halkan ku casuunay Tageerayaasha Musharaxiinta kala duwan ee Xisbiga KULMIYE uga tartami doona Xisbiga dhexdiisa oo ay kamid yihiin  Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale. Kuwaas oo dhammaantod ay iyaga iyo Tageerayaashooduba ka tirsan yihiin Golaha dhexe ee Xisbiga, kuwaas oo muujin laha taagerada ay u hayaan Musharaxiintaas. Marka waa la khalday warkii aan idhi waxaa laga dhigay inaan idhi dhammaan Golaha dhexe waxaa la ogaysiinaya inay isugu yimaadaan Shirkaas, taasna awoodeeda iyo cida isugu yeedhi karta Sharciga Xisbiga ayaa sheegaaya. Taanu annagu u jeednay waxay ahayd in Taageerayaashasi ay isugu yimaadaan Huteel Guuleed oo ku wada qadeeyaan Tageeradoodana u muujiyaan Mushataxiintaas intaanu u jeednay waa intaas hadana way socota oo waa loo sheegay dhammaan dadkii ka soo qayb gali laha.”.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Waabeyo oo la waydiiyay su’aal ahayd in Xisbiga KULMIYE laba garab u fadhiyo maadaama oo qayb kamid ah Kaadhadhka laga siinaayo xarunta Xisbiga qayb kalena halkan ku shirayso xaruntii Xisbigana Ciidamo la geeyay  wuxuu kaga jawaabay.

“Runtii Xisbiga KULMIYE waa Xisbul Xaakimkii marka waxaa loo qaatay oo la faafiyay in aan anigu hoggaaminaayo Garab kamid ah si taas looga badbaado Saaka waxaanu isugu nimi Madaxtooyada Madaxweyne ku-xigeenkana waanu ka shirnay dabadeed waxaanu isla garanay in Shirkii sii socdo, hoggaankuna isu yimaado wixii la kala tabanaayana laysla eego Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisuna ku dhex joogaan. Xisbiguna laba garab uma kala jabin waayo ma jirto laba Xarumood oo ay kala furteen”. Sidaa waxaa hadalkii uu Saxaafadda siiyay ku soo afmeeray Guddoomiye K-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf Waabeeyo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.