Xildhibaan Rashiid Oo Xabsiga U Hoyday

0
Xildhibaan Rashiid Oo Xabsiga U Hoyday

Xildhibaan Rashiid Oo Xabsiga U Hoyday

Xildhibaan Rashiid Qaasim oo ka tirsan baarlamaanka Kenya lagana soo doorto Bariga Wajeer ayaa xalay xabsiga ku baryay kadib markii shalay la xidhay. xildhibaanka ayaa la sheegay in uu dhirbaaxay xildhibaan Faadumo Geeddi oo ka tirsan guddida Miisaaniyadda baarlamaanka Kenya.

Xildhibaan Rashiid ayaa la sheegay in uu xildhibaan Faadumo ku maagay in aanay lacag u qoondayn degaanka laga soo doorto.

Kadib markii baraha bulshada si weyn loogu wadaagay sawir laga qaaday xildhibaan Faadumo oo ooyaysa afkeedana dhiig ka muuqdo ayay arrintu noqoto mid indhaha bulshada Soomaalida iyo Kenya ba soo jiidatay.

Dhinaca kale waxa ay arrintani keentay in haweenka dumarka ah ee baarlamaanka Kenya ka baxaan xarunta baarlamaanka si ay taageero ugu muujiyaan xildhibaan Faadumo.

Xildhibaanno rag ah ayaa markaas ku maadsaday dumarkii ay wada shaqaynayeen iyaga oo dhacdadaas soo qaadanaya, sida ay BBC-da u sheegtay Sabina Wanjiru oo ah gabadh ka tirsan xildhibaannada Kenya.

“Qaar ka mid ah ragga xildhibaannada ah ayaa nagu jeesjeesay oo yidhi maanta waa maalinta dhirbaaxada” ayay tidhi.

Sabina ayaa intaas ku dartay in ay xildhibaannada ragga ahi ku yidhaahdeen “waxaa loo baahan yahay in dumarku ay edeb yeeshaan, isla markaasna loo baahan yahay in ay bartaan sida ragga loola dhaqmo.”

Dumarka xildhibaannada ah ayaa dhismaha baarlamaanka isaga wada baxay iyaga oo dalbanaya in la xiro Rashiid

“Dhammaan xubno baarlamaan ayaan nahay… waxbana kamaga liidanno ragga,” ayay tidhi Sabina.

Rashiid wali kama uusan hadlin dhacdadan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.