Xildhibaan Nac-nac Oo Deeq Lacageed Gaadhsiiyay Qoys Danyar Ah Oo Gurigoodu Shuf beelay

0

Hargeysa(Sayruuq)-xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan golaha wakiilada ayaa shalay deeq lacageed gaadhsiiyay qoys degen Hargeysa oo uu ka gubtay gurigii ay degenayaan islamarkaana saddex habeen u hoyday banaanka.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye, wuxuu qoyskan gaadhsiiyay lacag dhan $ 850 (siddeed boqol iyo konton dollar), waxaanu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in qoyskaas ay caawiyaan.  “Gurigan oo dhaxamahan ka gubtay ayaynu u nimid iyagoo carruur badan haysta, guri horena bishan waynu dhisnay, kana waynu dhisaynaa, waxaan umadda ka codsanaynaa inay caawiyaan oo u soo gurmadaan qoyskan u baahan caawimadooda.” ayuu yidhi xildhibaan Nacnac oo lacagta guddoonsiiyay qoyska.

Qoyska oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay xildhibaan Nacnac oo ay sheegeen inuu u soo gurmaday markii uu ka war helay dhibaatada qoyskaas haysata. “Xildhibaan Nacnac ayaa no yimid oo eegay waanu na gacan qabtay, waanan u mahadcelinaynaa.” sidaa waxa tidhi hooyada qoyskaas.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.