Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

0

Gaalkacayo(Sayruuq)-Allaha u naxariiste Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur Dirir oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamanka Puntland iyo hal qof oo ilaaladiisa ahaa ayaa caawo Salaadii Maqrib ka dib ay Kooxo hubaysan ay ku dileen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kooxaha dilka gaystay ayaa Xildhibaanka Rasaas la beegsaday xilli uu kasoo baxay tukashada Salaada Maqrib sida uu Warsidaha Puntlandi u xaqiijiyay Xildhibaan Siciid Surcad oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Puntland.

Dhagar qabayaasha dilkaan ka dambeeyay ayaa goobta isaga baxsaday, iyagoo ku bad baaday labo bombo gacmeed oo ay ku tuureen dad kusoo yaacay oo doonayay inay gacanta ku dhigaan. Nasiib wanaag majirto cid ay waxyeelo ugeysteen bombooyinka.

Allaha u raxmadee xildhibaan Siciid Xuseen Nuur Dirir ayaa ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ee lagasoo xulay Gobolka Nugaal gaar haan degmada Burtinle, wuxuuna maalmihii ugu dambeeyay ku howlanaa wacyi galinta bulshada ee xaga nabad galyada in laga shaqeeyo.

Xildhibaan Siciid Surcad ayaa tacsi u diray ehelada,qaraabada iyo ummadda reer Puntland ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Siciid Xusen Nuur Dirir.

Ciidamada amniga Puntland ayaa wada baadhitaan xoogan oo ay ku daba joogaan Kooxaha dilka fuliyay,kuwaas oo dilka ka dib goobta isaga cararay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.