Xildhibaan Dogax Oo Soo Dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde, Farriina U Diray Murashaxa WADDANI –

0

Hargaysa(Sayruuq):-Xildhibaan Dogax oo ka mid ah Xildhibaannada golaha deegaanka ee Hargaysa ayaa markii ugu horraysay soo dhaweeyay Xilka guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ee lagu wareejinnaayo Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde oo muddo dheer ka mid ahaa Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland.

Xildhibaan Dogax oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sidoo kalenna bogaaddiyay geesinimada uu sameeyay Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaannu sheegay in talaabaddaasi muujinnayso sida uu u danaynnaayo innuu bulshadda kasbado.

Isagoo arrimahaas ka hadlaaya Xildhibaan Dogax waxa uu yidhi “Hambalyo Guddoomiyaha mustaqbalka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde. Waxaan bogaadin aan la soo koobi karrin u dirayaa Xildhibaan Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde magacaabistii loo sameeyay inuu noqdo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI. .” Ayuu yidhi Mudane Saleebaan Daahir Cabdillaahi.

Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogax waxa uu sheegay innuu ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, isla markaanna waxa uu iftiimiyay geesinnimada uu muujiyay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo uu tilmaamay inuu muddo yar ku fadhiyay kursigan, waxaannu yidhi “Waxaan doonnayaa inaan Hambalyo u dirro Xisbiga WADDANI ee aan ka mid ka ahaa dadkii tirada yarraa ee Aasaasay Xisbiga WADDANI sida geesinnimada leh ee ay u wareejiyeen Xilka Guddoomiyenimo ee WADDANI.”

Waxaan ugu dambayn hambalyaynayaa Guddoomiye Cirro oo isagu si geesinimo leh uga kacay kursigaas qiimaha badan ee uu mudada yar ku fadhiyay, isagoo gartay inay kuraasta lagu fadhiyo ay ka qiimo badantay in la helo dad aad kasbato oo gaadhsiiya himilada uu hiigsanayo oo ah inuu Madaxwayne noqdo.

Congratulation to Somaliland National Party (Waddani) and It’s leader Hon. Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro)

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.