Xildhibaan Dheeg Oo Rajaynaya In Xukumadda Muuse Ka Wacnaan Doonto Xukumaddii Siilaanyo

0

Hargeysa(Sayruuq) Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa dhalliishii ugu cuslayd u jeediyay xukumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweynaha talada wareejinaya ee Axmed Siilaanyo, waxaanu sheegay in uu rumaysan yahay in aan Muuse laga dhaxli doonin mid taas ka liidata.

“Waxaan aad iyo aad u rajaynaya Muuse Biixi dawladda uu dhaxlay mid ka liidata in aan laga dhaxlayn. Waxaan aad ugu rajo weynahay dawladda laga dhaxli doono Muuse Biixi in ay aad u dhaami doonto ta uu maanta dhaxlay. Sababta oo ah maanta heerka uu soo gaadhay ee uu dawladdan kula wareegaya wali maynaan arag dawlad dhisan oo heerkaas gaadha; Musuqmaasuq, Qabyaalad, Sixir barar, dhul boob, ayi nooc caddaalad darro meel qudha oo u fayoobayd dawladda uu maanta Muuse Biixi dhaxlay ma jirto,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka Mudane Dheeg.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.