Xildhibaan Dheeg Oo Loo Diiday In Uu Madaxweyne Muuse Salaamo

0

Madaxweynaha Somalilnad Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta salaadii jimcaha kula tukaday dadweyne tiro badan masaajidka Masalaha ee Hargeysa.

markii salaadii laga baxay ayuu Sheekh Xasan Cabdi Salaan oo khadiibka ahaa, dadkana salaada tujiyey sheegay in maanta uu masaajidka kula tukanaayo madaxweynihii,  amaan uu goobta ka amaanay ka dib waxa uu ku soo dhoweeyey microphone-ka ,iyada oo uu halkaas hadal kooban ka jeediyey madaxweyne Muuse.

hadalkii markii uu dhamaystay ayaa dadkii usoo kaceen inay salaamaan, waxaana salaanta la gaadhey in yar oo safka kula tukanaysay.

Xildhibaan Dheeg oo kamid ahaa dadkii Masaajidka ku tukanaayey ayaa isku dayey inuu madaxweynaha soo salaamo, waxaana la socdey  madaxweynaha   taliyaha ciidamada Booliska iyo Taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyadda , waxaana taliyaha Madaxtooyadu uu  diiday inuu xildhibaan Dheeg salaamo madaxweynaha.

Taliyaha ilaalada madaxtooyada oo gacantiisa dib ugu soo qabtay xildhibaanka ayaa intuu soo eegay xildhibaanka yidhi ” Adiga kuma ogoli “. Xildhibaan Dheeg ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa in uu madaxweynaha salaamo balse aanu wax kale ka doonayn.

waxaanay diidmadu keeentay in masaajidkii buuq ka bilaabmo, iyada oo xubno salaadiin ah oo masaajidka ku tukanaayey Sheekha ku canaanteen inuu masaajidkii siyaasad ka abuuray.

Madaxweyne Muuse arrintan wax lug ah kuma darsan lamana oga in uu dareensana waxa lagu muransan yahay laakiin, Xildhibaan Dheeg oo arrintan ka yaaban ayaa iskaga tagay goobta halka madaxweynuhuna iskaga baxya masaajidka.

Xildhibaan Dheeg ayaa ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani kadib markii uu doorashada ka hor ka soo guuray xisbiga Kulmiye oo uu hore uga mid ahaa lamana xaqiijin karo in diidmada sida gaarka ah loogu bartilmaameedsaday la xidhiidho waayihiisii mucaaradada.

Xigasho: Wariye goob joog u ahaa dhacdadan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.