Xildhibaan Dhakool Oo Maxkamad La Soo Taagay

0
“Haddii Kismaanyo La Tagayo, Maxaa Ii Diidaya Inaan Garoowe Tago”

Xildhibaan Dhakool Oo Maxkamad La Soo Taagay
Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood silsiladi kaga xidhan tahay ayaa saaka la horgeeyay Maxkabadda gobolka Maroodi-jeex.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka.
Guddoomiyaha ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkabadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin “Xildhibaan Dhakool oo saaka maxakamada la hor keenay maxakamadu waxay diiday xadhiga xildhibaanka in la xalaaleeyo ilaa iyo la helo oggolaansho baadhitaan oo ay bixiyaan Gudida joogtada ah ee golaha wakiilada maadama uu fasax ku jiro golaha intiisi kalle. Ciidankuna waxay dib ugu celiyeen saldhigii uu ku xidhnaa,” sidaas waxa yidhi garyaqaan Mubaarik Cabdi.

Ciidamada Booliska ayaa dib ugu celiyay xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xidhan yahay.
Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa ka soo horjeestay xuska maalinta 18 May oo uu ku tilmaamay maalin madow, kadibna ciidamada ayaa xidhay.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.