Xildhibaan Dhakool “Muuse Naf Darwiisha Ku Jirta,”

0
“Haddii Kismaanyo La Tagayo, Maxaa Ii Diidaya Inaan Garoowe Tago”

Xildhibaan Dhakool “Muuse Naf Darwiisha Ku Jirta,”

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayay xalay ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen kadib markii uu sheegay in xuska 18 May gaar u tahay beesha Isaaq. Taliska boolisku wuxuu ku eedeeyay in Qarannimada ka hor yimid.

Xildhibaan Dhakool ayaa muddooyinkii u dambeeyay mucaaradayay madaxweyne Biixi laakiin, markii lagu jiray ololihii madaxtinimada doorashada waxa uu sheegay in degaankiisa oo ka tirsan gobolka Sool aan taageerada Muuse cid ku wehelin laakiin, degaanka uu Muuse u dhashay saddex calan ka taaggan yihiin.
Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Xadhigga Xil Dhakool
Waxa kale oo uu gaadhsiiyay derejo ah in uu Muuse yahay nin ay ku jirto ruux darwiishnimo, islamarkaana uu yahay ninka kaliya ee garanaya waxa ay tahay bulshada reer Sool “Nin siyaasi ah oo Somaliland jooga oo Dhulbahante waxa uu yahay yaqaana Muuse Biixi Baa Kow ah,” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa Xil Dhakool.

Marwada Xildhibaan Dhakool Oo Saxaafadda La Hadashay

Xildhibaanka oo ammaanka madaxweyne Biixi sidaasi ugu wacdiyay bulshada uu metelo ma cadda waxa uu hadda sida adag ugu mucaaradayo ilaa uu gaadhay xaaraantinimaynta maalin muddo dheer Somaliland laga soo xusi jiray.
“Doorasho Reer Leeyahay Gali Mayno,” Xil Dhakool

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.