Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye Oo ka digaya Fara-Gelinta Lagu hayo Kursiga xildhibaanimo ee Beesha Badaraxaan somaliya.

0

Moqdisho(sayruuq) Xildhiban Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye Fariid Oo la soo xidhiidhay shabakadda sayruuq ayaa ka waramay loolanka tartanka xildhibaanimadda somaliya halkuu marayo isagoo cadeeyay inuu u sharaxan yahay booskiisa xildhibaanimo.
Xildhibaanka oo ka soo jeedda beellaha somaliland gaar ahaan beesha ciise ayaa noo sheegay in beeshiisa hoose ee Mamaasan aay laba xildhibaan ku lahaayd kuraasta xildhibaanimadda somaliya kuwaas oo aay kala qaadan jireen beesha reer cawl ee mamaasan laakiin imaka kursigiisa aay ku socdaan reer aan somaliya degin oo isla mamaasan kaas uun ah oo degga ethiopia iyo jabuuti.
Wuxuu cadeeyay xildhibaanku in jufadiisa hoose ee Badaraxaan aay kursigoodda ilaashan doonan oo imika aay u wadda sharaxan yihiin isaga iyo gabadh kale sidda la rajeeynayo.
Wuxuu intaa ku daray dad-yawga faraha kula jira in kursiga Beesha Badaraxan inaanay u suu roobeyn isagoo dadkaas ku sheegay inaay qaar xildhibaanimadda kala mid yihiin.
Dowladda Somaliyana wuxuu u farayaa in aan dad deegan ahaayn oo meello kale laga soo abaabulayo la rabo kuraasti dadka degaanka ahaa la saarro.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.