Xil. Qodax Oo Madaxweyne Biixi Ammaanay

0

Xil. Qodax Oo Madaxweyne Biixi Ammaanay

Xildhibaan Mustafe M Qodax, oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweyne Biixi, ku ammaanay soo celinta Hantida qaranka ee madaxweyne Siilaanyo, wareejiyay.

Xildhibaanka ayaa ka  faalloonayay qoraal kooban oo suxufi Xasan Galaydh oo Horn Cable ka tirsan soo dhigay boggiisa Facebook waxaanu qoraalka suxufigu u dhignaa sidan:

“Muddo laba sannadood ah oo madaxweyne Biixi, xilka hayay ma jiro hal mashruuc oo uu dhagax dhiggay kadibna dhammaaday oo uu xadhiga ka jaray.”

Xildhibaan Mustafe Qodax oo ka dareen celinaya qoraalka ayaa yidhi ” Wariye Hassan Galaydh anigu kamaan eegin xaga mashaariicda cusub, waxanse ku taageeray muuse biixi bilowgii xukuumadiisa waxa uu qarameeyay oo uu gacanta dawlada kusoo celiyey hanti badan oo si qaldan dad gaara loogu gacan galiyey sida haamihii kaydka, liisankii baabuurka iyo waddo marista, shirkadihii loo sameystay dhaqaale urursiga ee madaarka sida tii parkinka iyo tii xamaalista ama clearance ka iyo qaar kale, waxa kale oo aan aaminsanahay inuu uga lexejeclo badan yahay dalka xukuumadii isaga ka horaysay ee lagu sawiray odaygii siilaanyo laakinse ay ka taajireen dad kale oon la dooran oo ka faaiidaystay dayacnaantii xilka madaxweynaha,”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.