Xil Maxamed Abiib Oo Madaxweyne Biixi U Jawaabay

0

Xildhibaan Maxamed Abiib.

“Mudane Madaxwayne qofkii siyaasadaada dhaliilaa ma dadka ayuu kiciyay oo dalka ayuu baabinayaa ?

Mudane m.wayne qofkii ganacsiga la xayiray sheegaa ma dastuurka ayuu jabiyay?

M.wayne qofka yidhi dalka qayb kamida ganacsiga qaar ma gadhi karo iyo ka yidhi ha wada gadho keebaa dastuurka jabiyay?

Mudane m.wayne qofka qalinkaaga dhaliilaa ma dastuurka ayuu jabiyay?

Mudane M.wayne maalin walba kursi Awdal ku fadhiday ayaad cid kale sii oo mayniska uun ku wadaaye qofka kadaa ku yidhaa ma dastuurka ayuu jabiyay?

Mudane m.wayne qofka leh dadka aan waddanka ka saarayno si nidaamsan oo sharciga iyo insaan nimada waafaqsan aan u saarno miyaa dastuurka jabiyay?

Mudane m.wayne qofka leh aan musuqa qaraabo kiilka iyo eexda iska dayno ma dastuurka ayuu jabiyay??”

xildhibaan Maxamed Abiib

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.