Xil. Buubaa Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa

0
Xil. Buubaa Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa

Xil. Buubaa Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiisa
Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ahaa afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay sida uu u arko xilkaas oo maanta loo magacaabay garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun waxaanu sheegay in aanu wax dhib ah u arag go’aanka isbedel ee Dr Cabdiraxmaan Cirro qaatay.

Waxa uu sheegay in uu tacab badan soo galiyay xisbiga qaybna ka ahaa dadaalkii xisbigu kaga soo baxay ururnimada “ Guushii xisbigu ku noqday xisbiga qayb laxaad leh ayaan ku lahaa. Muddo dheer oo aan ahaa afhayeenka xisbiga umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba way ka war haysay meesha aan gaadhsiiyay iyo tacabka aan galiyay intaba,” Sidaas ayuu yidhi Mr Buubaa.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan idiin sheegaya in siyaasaddu tahay qori isu dhiib maantana haddii afhayeenkii xisbiga lagu wareejiyo saaxiibkay Barkhad waan ku hambalyaynaya waanan ku soo dhawaynaya guddoomiyaha oo go’aanka qaatayna isaga laftarkiisa waan ku hambalyaynaya wax cudur ah oo aan maanta u arko in ay dhibaato tahay ama aan dhinacayga saluug ka muujinayo midna ma jirto. Waxaan leeyahay guddoomiye muddadii aynu soo wada shaqaynaynay waad ku mahadsan tahay Barkhadna waxaan u rajaynaya in uu shaqadiisa gudan doono,” Sidaas ayuu yidhi Mr Buubaa.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.