Xiisaha Ku Duugan Sawirka Biixi & Xuseen

0
Xiisaha Ku Duugan Sawirka Biixi & Xuseen

Xiisaha Ku Duugan Sawirka Biixi & Xuseen
Waxa shalay baraha ay bulshadu ku xidhiidho haystay sawir soo jiidasho leh oo ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo siyaasiga Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo salaan iyo sheeko koobani dhex martay.

Madaxweyne Biixi iyo Xildhibaan Xuseen ayaa ka wada qayb galay munaasibada sannad guurad 25aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidanka qaranka Somaliland, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay xildhibaan Xuseen oo salaan gacan qaad ah ula tagay Madaxweyne Biixi oo fadhiyay meel ka durugsan, waxaana sida sawirka laga akhrisan karo labada masuul dhex martay sheeko iyo kaftan kooban oo ay dadku u cabirteen inuu ahaa kaftan siyaasad u badan.

Laba madaxweyne-xigeen oo hore oo kala ah Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo hareeraha ka fadhiyay Madaxweyne Biixi ayaa iyagana wejiyadooda laga akhrisanayaa dareen ay ku dhuuxayaan hadalada aan la ogayn nuxurkooda ee ay isweydaarsadeen Madaxweyne Biixi iyo xildhibaan Xuseen.

Waxa kale oo iyana soo jiidasho lahayd in xildhibaan Xuseen oo ka mid ah hoggaanka iyo guddiga fulinta ee xisbiga Waddani uu ahaa masuulka keliya ee xisbigaas ka tirsan ee madasha joogay, waxaanu xildhibaanku madasha ku metelayay xisbiga Waddani ee uu ka tirsanyahay.

Xildhibaan Xuseen oo ah nin dood adag oo mucaaradad kulul, wuxuu geesta kalena ka mid ahaa aasaasayaashii ciidanka qaranka Somaliland salka u taagay 25 sannadood ka hor.
Waxa la odhan kara sababta sawirka xiisaha u yeeshay in dadku rumaysan yahay in madaxweyne Biixi iyo Xildhibaan Xuseen yihiin laba siyaasadda ku kala fog. Xildhibaan Xuseen oo asaaskii KULMIYE ahaa ayaa si weyn uga soo hor jeestay in musharrax uu ka noqdo Biixi sidaasna xisbiga kaga tagay markii madaxweyne Biixi musharraxa noqday. inkasta oo dhawr jeer la waydiiyay xildhibaanka in xafiiltan shakhsi ah ka dhexeeyo wuxuu sheegay in kala aragti duwanaansho siyaasadeed mooye wax shakhsi ahi dhexmarin.

Source: Geeska Afrika/Sayruuq

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.