Xiisad Ka Istaadhantay Boorama Ka Hor Shirka Kulmiye

0
Xiisad Ka Istaadhantay Boorama Ka Hor Shirka Kulmiye

Xiisad Ka Istaadhantay Boorama Ka Hor Shirka Kulmiye
Dhallinyaro ayaa xalay isugu soo baxday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal kuwaas oo ka cadhaysan dhallinyaro xukuumaddu xidhxidhay. Booliska ayaa baaacsaday dhallinyarada hiilka u muujinayay kuwa xidhxidhan.

Afartii bisha ayay koox dhallinyaro ah muuqaal baahiyeen iyaga oo xusaya waxay ugu yeedheen xasuuq SNM ka gaysatay Awdal arrintaas ayaa keentay in dhallinyarada qaarkood xabsiga loo taxaabo taas oo ka cadhaysiisay dhallinyaro xalay isu soo baxday.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo la qabanqaabinayo shirka xisbiga Talada haya ee Kulmiye oo ka qabsoomaya Boorama 23-02-2019. Dhallinyarada xalay muddaharaadaysay ayaa ku dhawaaqaysay erayo ay kaga soo horjeedo xukuumadda.
Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata mid xadhig miciinsatay, islamarkaana cid kasta oo ku tallaabsata waxay dhibsato xabsiga u taxaabaysa. Dhawaan ayay bulshadu la yaab ka muujisay derbijiif darxumo ka cabanayay oo lagu xukumay xadhig lix bilood ah inta lagu eedeeyay in ay xabag cabayeen.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.