Xiisad Ka Dhalatay Arday Madaxa Kartoono Loo Galiyay

0
Xiisad Ka Dhalatay Arday Madaxa Kartoono Loo Galiyay Iskuul ku yaalla magaalada Haveri, gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa ardayda oo imtixaan ku jirta waxa madaxa

Xiisad Ka Dhalatay Arday Madaxa Kartoono Loo Galiyay
Iskuul ku yaalla magaalada Haveri, gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa ardayda oo imtixaan ku jirta waxa madaxa loo wada galiyay Karaatoon si looga hor tago in ay ardaydu imtixaanka kala eegato.

Hase ahaatee fikraddan qishka lagula dagaallamayay ayaa xiisad abuurtay kadib markii sawirrada ardayda lagu faafiyay baraha bulshada kadibna saxaafaddu si weyn u qaada dhigtay.
Xiisad Ka Dhalatay Arday Madaxa Kartoono Loo Galiyay Iskuul ku yaalla magaalada Haveri, gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa ardayda oo imtixaan ku jirta waxa madaxa
Masuuliyiinta dugsiga ayaa raalli gelin ka bixiyay dhacdadan waxaanay laanta Hindiga ee BBC-da u sheegeen in ay arrintan u isticmaaleen tijaabo ahaan iyaga oo hore u maqlay in meelo kale laga isticmaalay.

“Ma ay ahayn wax ardayda lagu khasbay, waxaad sawirrada ka arki karta ardayda oo aan qaarkood xidhnayn karaatoonta, qaar baa 15 Mirir iskaga bixiyay, qaarna 20 mirir, anaga laftayadu saacad kadib ayaanu u sheegnay in ay iska bixiyaan,” ayuu yidhi masuul dugsiga u hadlay.
Arday Su’aalaha Imtixaanka Loogu Daray Magacyada Macallimiintooda
Masuul ka tirsan madaxda waxbarashada ee gobolka ayaa Times of India u sheegay in uu degdeg u tagay iskuulka markii uu arrintan maqlay islamarkaana uu ku amray in la joojiyo. waxa uu sheegay in uu maamulka dugsiga u sheegay in tallaabo anshax marin ah laga qaadi doono. waxaanu arrintan ku tilmaamay mid bani’aadanimada ka baxsan.
Apology after Indian students wear cardboard boxes for exams

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.