Xeerka legdanka xaqa iyo baaddilka.W/Q:Ibraahim Hawd

0
Waa maxay Ahli Sunnah wal Jamaacah?Ibraahim Hawd

Xilli taariikheed ayay cidi ku kacdaa fal iyo dhaqan dulmi ku ah cid kale. Ciddii kale ayaa dabadeed dulmigii diidda, ciddii dulmiga waddayna garmaqaate ayay noqotaa iyo in ay diiddo xumaha in ay ka fuqdo, waayo badanaa wax ay ku qabtaa sedbursi iyo awood ay sii macaansato. Ciddii dulmanayd ayaa dabadeed u kacda halgan ay ku dhacsanayso xaqeeda kuna jebinayso dulmiga. Ciddii baaddilka ku socotayna wax ay gashaa difaac mintidnimo ah oo ay ku ilaashanayso dulmiga ay macaansatay, difaacaas oo ka bilawda in uu dulmanaha u gu gooddiyo “waar hooy nabadda ilaali, haddii kale wax aad tahay fidmawale”. Kii kalena waxaa u sii macaanaada halganka uu xaqiisa u gu jiro ilaa heer uu ku miyirbeelo.

Sidaas bay u dhacaan dagaalladu, sidaas bayna taariikhdu u soo noqnoqotaa ilaa Haabiil iyo Qaabiil.

Maanta haddaba bulshooyinka ilbaxnimo ahaan koray dhexdooda in ay kuwa kale ka nabdoon yihiin waxaa keenay xeerkaa legdanka xaqa iyo baaddilka oo ay aad u daraaseeyeen, dabadeed ka feejignaadaan in ay is dulmiyaan. Wax ay ku qanceen in la gu ka la badbaadi karo la guna wada noolaan karo oo keliya caddaaldda iyo sinnaanta dhexdooda oo la xoojiyo, taladana la wadaago. Innagana waad aragtaan oo ma jiro dulmi iyo caddaalad darro dhexdeenna ka maqani, heer kasta oo ay tahay. Waad aragtaan oo dadkii lahaa xilka ilaalinta caddaalada iyo wada noolaanshaha ayaa hormuud ka ah gaboodfalka iyo dulmiga: waa suldaankii, waa aqoonyahankii, waa masuulkii dawladda… Dabadeed waxaa innagu waajibtay in aynnu ku dhex wareegno giraanta nacdalan ee dabiiciga u ah legdanka khayrka iyo sharka, xaqa iyo baaddilka, garta iyo gardarrada, dulmiga iyo caddaaladda.

W/Q:Ibraahim Hawd

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.