“Xeerka Baarlamaanku Nama Khuseeyo,” Puntland

0
“Xeerka Baarlamaanku Nama Khuseeyo,” Puntland
Guddoomiyaha DP World oo heshiis la saxeexanaya Puntland

“Xeerka Baarlamaanku Nama Khuseeyo,” Puntland

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa ganafka ku dhuftay xeerka Isniintii ka soo baxay golaha shacabka Soomaaliya ee shirkadda Dp World lagaga mamnuucay Waddanka. DP World waxay gacanta ku haysa maamulka dekedda magaalada ganacsiga ee Boosaaso laakiin, Puntland waxay sheegtay in aanay arrintaasi khusayn laakiin, go’aanka baarlamaanku ku socdo Somaliland iyo dekedda Berbera.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka Badda maamulka Puntland Siciid Maxamed Raage oo isaga oo Imaaraad jooga la hadlay warbaahinta Puntland waxa uu sheegay in dekedda Boosaaso aanay DP World maamulin “Xeerkan ma saamaynayo Puntland, waxa uu saamaynayaa maamulka Somaliland oo heshiis kula jira DP World, balse Puntland waxay heshiis kula jirtaa Shirkadda P&O oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka u hadlay Puntland.

Hadalka maamulka Puntland waxa uu u muuqda mid si cad uga soo horjeeda go’aanka baarlamaanka Soomaaliya maaddaama P&O tahay shirkad Dp World ka mid ah, islamarkaana heshiiska Puntland uu la saxeexday guddoomiyaha guud ee shirkadda DP World Sultan Axmed Bin Sulaymaan.

Dadaallada Soomaaliya kaga hor timid heshiiska dekedda Berbera ee Somaliland ayaa u muuqda mid gondaheeda ka abuuray buuq siyaasadeed kadib markii fadhiyada golaha oo Isniintii furmay uu hadheeyay mooshin laga keenay guddoomiye Jawaari, sidoo kalena xildhibaannada taageersan Jawaari wadaan mooshin ka dhan ra’isal wasaare Khayre oo la sheegayo in uu ku lug yeeshay mooshinka Jawaari ka dhanka ah.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.