Xeer-ilaaliyihii Guud ee Dalka Masar oo Lagu Dilay Weerar Qarax ah

0

Lix xubnood oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin ururka ISIS oo lagu deldelay Masar

Qahira (Sayruuq)- Xeer-ilaaliyihii guud ee dalka Masar oo la odhan jiray Hishman Barakat, ayaa lagu dilay weerar qarax ah oo ka dhacay gudaha magaalada Qahira ee dalka Masar, isagoo u geeriyooday dhaawac qaraxaas ka gaadhay.

Hisham

Wasiirka Caddaaladda dalka Masar Ahmed al-Zind, ayaa wakaalada wararka ee AFP u xaqiijiyey in xeer-ilaaliyaha guud ku geeriyooday cusbitaal ku yaal Qaahira, isagoo xusay in xeer-ilaaliyaha lagu dilay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday.

Xeer-ilaaliyaha la dilay oo la magacaabay sannadkii 2013, waxa uu dambiyo kala duwan oo ciqaab culus ah ku qaaday masuuliyiin sare oo ka tirsan ururka Ikhaawaanul Muslimiin ee xukunka dalka Masar oo xukunka laga tuuray isla sannadkaas, iyadoo sidoo kale madax iyo taageerayaal ururkaas ka tirsan lagu xukumay dil, kuwaasoo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Masar Mr. Mohamed Morsi.

Waxa kaloo dalka Masar ku xidhan in ka badan 40 kun oo maxaabiis siyaasadeed ah, iyadoo la filayo in falka qaraxa ah ee lagu khaarajiyey Xeer-ilaaliyihii guud ee Masar ay la xidhiidho xukunnada ciqaabta ah ee lagu rido madaxda iyo taageerayaasha ururka Ikhaawanul Muslimiin.

Koox hubaysan oo dalka Masar ka jirta, ayaa muddooyinkii u dambeeyey weeraro ku bartilmaameedsaday garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha waddankaas, kuwaasoo hore u khaarajiyey garsoorayaal ka hawlgeli jiray maxkamadaha kala duwan ee waddanka Masar.

Kooxda hubaysan oo sheegtay inay xidhiidh la leeyihiin ururka ISIS ama Daacish ee ka jira dalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa ku hanjabay bishii la soo dhaafay ee May inay weeraro ku qaadi doonaan garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha dalka Masar, iyadoo la tuhunsan yahay in weerarka lagu khaarajiyey Xeer-ilaaliyihii Guud ee Masar uu daba socdo hanjabaadaas.

Dhinaca kale, sida lagu baahiyey wakaalada wararka ee AFP oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, dawladda Masar, ayaa xukun daldalaad ah ku fuliyey lix nin oo lagu eedeeyey inay xubno ka yihiin Ururka ISIS shalay, iyadoo aan la ogayn in xukunkaas deldelaada ah daba socdo falka lagu khaarajiyey Xeer-ilaaliyihii guud ee Masar.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.