Xasuuqii ka dhacay Srebrenica oo la xusay

0

Hargeysa(Sayruuq)-Iyadoo maanta la xusayay sanad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay xasuuqii Srebrenica, ayaa dad cadheysan oo Bosnian ah, waxay weerarreen Raiisul Wasaaraha Serbia, Aleksandar Vucic, oo ka qaybagalay munaasabaddaasi.

Dhallooyin ayaa lagu tuuray waana la aflagaadeeyay markii uu meesha isaga baxay, halkaasi oo ahayd qabuuro lagu duugay boqol iyo soddon iyo lix qof oo dhowaan la aqoonsaday meydadkooda.

Raiisul wasaaraha ayaa madaxa dhagax looga dhuftay.

Ilaa sideed kun oo wiilal yaryar iyo rag muslimiin Bosnian ah ayaa ciidamada Serbia ay ku dileen dagaalkii cadawtooyada lahaa ee burburiyay dalkii Yugoslavia sanadkii 1995.

Mr Vucic ayaa mar sii horreysay waxa uu soo saaray warbixin uu ku cambaareynayo dilkaasi oo uu ku tilmaamay inuu mid bahalnimo ahaa, laakiin waxa uu diiday inuu isticmaalo erayga xasuuq.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, oo jooga Srebrenica, ayaa ku tilmaamay joogitaanka Mr Vucic uu joogay munaasabadda tallaabo dhinaca dib u heshiisiinta loo qaaday

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.