Xasan Siciid,Somaligii kowaad ee aan Arkay ee diiday in uu laaluush qaato.

0

Xasan Siciid,Somaligii kowaad ee aan Arkay ee diiday in uu laaluush qaato.

Beenaale nin dhintay ayuu Markhaati u qabsada
Sanadku waa 2001 dii Ninka ay Qadiyadani Maskaxdiisa ka soo maxaatay wuxuu ahaa Suldaan Cooshaar.
” Xaaji… Xaajigu waa Kaysar Afdiinle halkan Injida Dumbuluq aynu kiraysano si aynu uga furo Shaneemo lagu daawado Ciyaaraha Caalamka” Waxaa berigaa Magaaladu u shidnayd oo Ciyaaraha laga daawan jiray Shaneemo ku taalay Cinama Nationalkii ku yaalay wadada Idaacada Programka lagu dawaadana waxaa lahaa sidaan maqlay Ganacsade Mulacii Reer Djibouti halkaas oo suuq xaamiya haysatay.
Arintaa Reer Dumbuluq may jeclaysan jirin taasaa keentay Cooshaar oo ka mid ah dadka uu Ilaahay saaray Maskaxaha uu IQ.du sareeyo uu ku fikiray in Shaneemo laga sameeyo Dumbuluq, waxaanu farta ku fiiqay Injida ku taala Sariibada Dumbuluq.

Xaajigu waa Kaysar Afdiinle’ e wuxuu missionka u xil saaray Cooshaar (Mooyi imika siday isku yihiin lakiin berigaa Wiil iyo Walaal ayay isku ahaayeen)

Cooshaar wuxuu hawshii ula tagay Tiimbaro oo markaa ahaa ku xigeenka Duqa Hargeisa ( Cabdicasii Cagaweynaha maanta oo lakiin aan Qosal badanayd)
Dhag iyo Dhag Tiimbaro uu aqbalay in Injida kawaanka la saaro, isna wuxuu ula tagay Cawl Cilmi Cabdalla oo markaa ahaa Mayerka Magaalada. Cawlna wuu ku raacay, waxaana hawshii loola tagay Ina Xaaji Ibraahim Cigaal oo markaa ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan weli la aqoonsan. Xaajigii Ina Cigaala Green light ayuu soo siiyay.

Fiid baanu Aniga, Cooshaar iyo Xaaji Kaysar ugu tagnay Tiimbaro Gurigiisa, Waaxanu yidhi ” Waxaynu isku oganayn in meesha laydinka kireeyo lakion Madaxweynuhu wuxuu yidhi hadii uu iibsanayo ka iibiya”
Mooji meel aan ka keenay ee anigaa Ina Afdiinle ku idhi ” Ha iibsan ee kirayso waa xoolo Qarane” Xaajiguna wuu igu raacay oo wuxuu yidhi ” Mayee ha layga kireeyo uun”

30 sano mise 20 sano mooji ayaaX aaji Kaysar Afdiinle meeshii laga kireeyay lacagtiina wuu shubay

Halkaa markay marayso ayay Xasan Siciid iyo Reer Jamhuuriya meeshii isku duubeen waxaanay la soo baxeen Waraaqo ay ku sheegtaan in Injida la siiyay si ay Madbacad uga dhigaan, cida siisayna ay ahayf Mayerkii Cawl ka horeeyay oo ahaa Cadami.
Jiq baa laysku noqday Hirig iyo Hirig. Eragadaa badatay, goolaftanka batay, maalmo badan ayaa jiq laysku ahaa.

Aakhirkii habeenkii u dambaysay ayaa lagu shiray Gurigayga oo Dumbuluq uun ku yaalay.
Xasan Siciid waxaa loo soo jeediyay in uu Ina Afdiinle ka qaato $3000 geesta kalana ay Cawl iuo Tiimbaro dhul siiyaan!!!

Xasan Siciid waxaa uu la faq baxay niman la socday waanay nagu soo noqdeen halkii aanu ka filaynay in na yidhaahdo keena lacagta ayuunbuu yidhi ” Waxaan ahay nin suxufiya oo maalin kasta la dagaalama Musuqmaasuqa iyo laaluushka sidaa darteed lacagtan ma qaadanayo meeshiina waan uga hadhay Ina Afdiinle”

Xasan umuu qalmaynin in uu shaqo ku darsado Siyaasada Somaliland ee beenta iyo tuugada ah waayo waa shaqsi aad u sharaf badan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.