Xasan Guure Oo Ka Digay Doorasho Dalka U Keenta Laba Madaxweyne, Marka Ay Cidina Ku Qanci Weydo Xasan Guure Oo Ka Digay Doorasho Dalka U Keenta Laba Madaxweyne, Marka Ay Cidina Ku Qanci Weydo

0

Hargeysa(Sayruuq)-Muj Xassan Guure oo ah gudoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka, ayaa ka digay in dalka laga qabto doorasho keenta in dalku yeesho laba madaxweyne, isagoo ka digay halista ka dhalan karta iyadoo natiijada lagu qanci waayo.

Xasan Guure wuxuu walaacan muujiyay iyadoo ay dad badani arkaan olole siyaasadeed oo adag oo u dhexeeya Waddani iyo KULMIYE, iyadoo aan la gaadhin wakhti doorasho iyo olole toona.

Mujaahid Guure oo saxaafadda la hadlay wuxuu ku taliyay in la samaysto xeerkii lagu kala bixi lahaa, iyadoo haddaba la arko in xeerarkii doorashooyinka qaarkood ay xisbiyadu ka gudbeen isuna tumayaan durbaano kale. “Waxaan soo jeedinayaa in aan doorasho la qaban ila inta la sameysanaayo xeerkii lagu kala bixi lahaa , Cirro madaxweyne ayaa la yidhaahdaa markuu meelahaas maraayo , Muuse na madaxweyne ayaa la yidhaahdaa , labdaasi markay hadhow isku soo baxaan ee ay tartamaan maxay ku kala baxayaan.” ayuu yidhi Mujaahid Xasan oo intaas raaciyay “Cirro waa nin afgaaban ee alow ma tanaasuli doonaa. U malayn maayo , saaxiibkey Muuse Biixna u malayn maayo in uu tanaasuli doono ” ayuu yidhi mujaahid Xassan Guure.

Xasan Guure, ayaa wuxuu hadalkiisani kusoo beegmayaa iyadoo ay dad badani qabaan walaaca uu qabo oo ah warwar siyaasadeed oo ka dhashay awooda labada murashax ee Muuse iyo Cirro ee Waddani iyo KULMIYE oo mararka qaarkood uu baratankoodu isu bedelayo wejiyo kale oon qurxoonayn.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.