Xaraaradda Qalalaasaha Diblamaasiyadeed ee Hargeysa Iyo Jabuuti Oo Kor U Kacday

0
Xaraaradda Qalalaasaha Diblamaasiyadeed ee Hargeysa Iyo Jabuuti Oo Kor U Kacday

Xaraaradda Qalalaasaha Diblamaasiyadeed ee Hargeysa Iyo Jabuuti Oo Kor U Kacday

Maareeyaha guud ee dekedaha Jabuuti Abuubakar Cumar Xaddi ayaa 23-kii bishii dhammaatay waxa uu sheegay in sababta DP World ay u eriday Jabuuti ka mid tahay dalalka dariska oo ay dekedo ka dhisayso “ Iyada Dp World waddamada Jaarka ah iyo waddamada kale ee ku yaalla badda cas ka maalgalisay oo ka dhistay dekedo tiro badan kuwaas oo tartan kula jira dekeddayada, marka waxay arrintaas dawladdu u aragtay arrin taabanaysa Qarannimada,” Sidaas ayuu yidhi Mr Xaddi.

Arrintan ayaa sas ka abuurtay Somaliland waxaana hadalkaasi loo fasirtay in dawladda Jabuuti ka xun tahay horumarinta dekedda Berbera ee shirkadda Dp World lagu wareejiyay in ay 30 sanno maamusho, islamarkaaa saami ka siisay Itoobiya oo si weyn u isticmaasha dekedda Jabuuti.

Wasiirkii hore ee qorshaynta Somaliland Maxamed Aadan Qabo kana tirsan Kulmiye ayaa markiiba sheegay in Jabuuti mucaaradad adag ku kicisay heshiiska Dp World iyo Somaliland markii hawshiisa la waday hadalkana caddayn u yahay sida ay uga xun tahay. Eng Faysal Cali Waraabe oo isna arrintan ka hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Jabuuti horumarka Somaliland ka soo horjeedo.

Xukumadda Somaliland ayaa arrintan afka ka xidhatay laakiin, safiirka Somaliland ee Jabuuti oo shalay Hargeysa soo gaadhay ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti wanaagsan yahay. Waxa uu siyaasiyiinta Somaliland ku eedeeyay in ay dhuuni qaateyaal yihiin duminaya xidhiidhka uu habeen iyo maalinba dhisayo.

Isla luuqad taas la mid ah waxa isna shalay ku hadlay maareeyaha Dekedaha Jabuuti Mr Xaddi oo mar kale arrintan ka hadlayay waxaanu si qaawan u weeraray Faysal Cali Waraabe oo uu ku eedeeyay in lacag lagu soo siiyay hadallada ka dhanka ah Jabuuti ee uu sheegay.

Arrintan ayaa loo qaadan kara in Madaxweyne Muuse iyo Madaxweyne Geelle is fahan weyn ka dhexeeyo. Caleemo saarkii madaxweyne Muuse waxa ka soo qayb galay wefti balaadhan oo Jabuuti ka socday waxaanu madaxweyne Biixi si kaftan ah madasha uga yidhi “Dadka leh waa maxay reer Jabuuti si weyn bay xafladda uga soo qayb galeene, anna waxaan idhi saw huunno loo doortay huunno maaha.” Hase ahaatee lama oga sida ay isu waafaqayaan weedha Jabuuti ee ah in dekeddaha dariska ee Dp World horumarinaysa ka dhan yihiin danka Qaranka Jabuuti iyo dabacsanaanta xukumadda Muuse u muujinayso dawladda Jabuuti.

 

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.