
Waxaa jirta Mabda’a Caalami ah oo la xidhiidha Hirgalinta Qaanuunka Caalamiga ah, gaar ahaan Heshiisyada Caalamiga ah, kaasi oo ah in dawlad kastaa xaq u leedahay in ay dhinac isaga leexiso (Reservation) hirgalinta nuxurka qodobbo gaar ah, sida kuwa Diinta iyo Qiyamka Bulshadooda aan waafaqayn.
Arrinta tusaalaha ah ee Dawladaha Islaamka ahi ay ka maageen in ay hirgaliyaan waxaa ka mid ah Xaqa Nolosha (Right to Life), oo ku tilmaaman Heshiiska Caalamiga ah Ee Xuquuqaha Madaniga ah iyo kuwa Siyaasiga ah ee (ICCPR), dawladaha galbeedka iyo ururrada ay ku bohoobeen waxay hormood ka yihiin in la dhowro Xaqa Nolosha, waxay dooddoodu tahay in aan qofna waayi karin xaqaasi fal kasta oo uu gaysto waana sababta ay u sheegaan in ay ka soo hor jeedaan waxa ay ugu yeedhaan (Death Penalty).
Dawladda Islaamka ah waxa ugu horreeya ee xil ka saaran yahay waa ilaalinta iyo ku dhaqanka Qawaacidda Islaamiga ah, iyo hirgalinta wax kasta oo lagu jideeyay.
Sidaa dareed, ma jiri karto cid (Dawlad, Hay’ad ama Urur) inagu eedayn kara ama inagu dhalliili kara hirgalinta Mabaadii’da Islaamiga ah, gaar ahaan ciqaabaha lagu jideeyay shareecada.
Garyaqaan Abdirahman Hirad