Xakamaynta Saxaafada Xadhkaha Goosatay, W/Q:Qore ahmed indhacase

0

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka somaliland intaa kadib.

Waxa maanta somaliland xayiraad lagu soo rogay wargayska haatuf kaas oo maalmahan dadka reer somaliland buuq iyo khilaaf kudhex abuuray qaar taageera dawlda iyo qaar aan taageerinba

Hadaba marka ay aragtay dawldau mashaakilkaa iyo wararkaa dadka iska horkeenaya iyo dhibaatada ay wadanka ukeenayso ayay xayiraad saareen wargayskii gebi ahaantii.

Saxaafadu inan dabe waxa ay caadaysatay in ay war aan sal iyo raad toona lahayn in ay dadka ugudbiyaan.

Hadaba somaliland miyay uhoraysay cid saxaafad taraartay xayirta ?

Waa maya jawaabtu dhowaan waxa xayiraad kusoo rogay intrenetka dalka turkiga marka uu arkay in ay xadkii kabaxeen wax sharciga iyo maslaxada wadanka kawayni majiro .

Markaa anigu waxaan taageersanahay xayiraada haatuf waayo xadkii saxaafada way dhaaftay waxaanay noqotay wax qof gaara danihiisa gaara u adaygsado .

Ilaahay waxaynu kabaryaynaa dal xor ah iyo dad xor ah oo aan qabiil iyo maslaxad ka guuxayn…

W/Q:Qore ahmed indhacase

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.