Xagla-toosiye Oo Si Kulul Uga Hadley Cali Khalif Iyo Maleeshiyadka Khaatumo

0

Hargeysa(Sayruuq)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye), ayaa si adag uga hadlay Doorashada Madaxweynaha Khaatumo ee Cali Khaliif Galayd loogu doortay Saax-dheer, waxaanu xaglo-toosiye ku tilmaamay arrintaas mid aan wax micno ah samayna doonin.

Xaglo-toosiye ayaa sidoo kale Dadka Deegaamada Sool iyo Buuhoodle uga digay inay iska jiraan waxa uu ku tilmaamay hagar-daamada Galaydh iyo abaabulkiisu wadaan, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay inaanay ku laaban Karin Buuhoodle Cali iyo Kooxdiisu.

“ waxaan uga digayaa dadka ku nool deegaamada aan ka soo jeedo inaanay aqbalin waxa ay wataan Galaydh iyo Kooxdiisu”ayuu yidhi Xaglo-toosiye oo ka hadlayay Munaasibad lagu casuumay qurbo-joogta Somaliland ee Hargeysa ku sugan oo Madaxweynuhu ka qayb galay.

Xaglo-toosiye ayaa isagoo si cadho leh u hadlaya sii yidhi “Cali Khaliif waxaan u sheegayaa in waxaas uu wataa ka shaqayn doonin deegaamada aan ka soo jeedo , noqona doona sidii kii hore ee ka fashilmay”ayuu yidhi.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sidoo kale digniin adag u diray Dawladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka, kuwaasoo uu ugu baaqay inay joojiyaan faro gelinta ay ka wadaan deegaamada SSC.

“Dawladda Soomaaliya iyo cid kasta oo faro gelin ku haysa arrimaha Gobollada bari waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan. Waxaan maqlayay Wasiirro soomaaliya ah oo Hambalyeynayey Cali Khaliif, waxaan leeyahay joojiya faro-gelinta. Waxaana xaqiiq ah in dawladda Soomaaliya iyadoo wada hadalo u socdaan Somaliland inay hadana Mindi madaxa iyo cagaha ku jarayso dalka” ayuu yidhi.

Xaglo-toosiye oo caawa jeediyay hadal aan looga baran, isla markaana cadho badani ka muuqatay ayaa sheegay inaan Somaliland laga lahayn.

Waxaanu ku doodday “aniga Somaliland cid iga sheegan karta iyo cid aan marti uga ahay toona ma jirto. Somaliland waa dalkaygii, laakiinse waxaan necebahay laba kelmadood oo ay inta badan dadku yidhaahdaan.

Arrinta koowaad waxay tahay, qaarbaa yidhaahda waxaasaa laydiin siiyay hadaad reer hebel tihiin. Waxaan leeyahay waxba imaad siin waxna ima siin kartid.

Arrinta kale, waxa weeye: deegaamadaa aan ka soo jeedo waxa jirta dood odhanaysa waxba nalooma ogola. “ waxaan leeyahay inta aad maqantahay waxba ma helaysid, Nin maqana wixiisa waxa qaata ka jooga”.ayuu yidhi.

Siyaasiyiin kale

Xubno kale oo ka mid ah Wasiirrada iyo Siyaasiyiinta Xafladan ka hadlay ayaa iyaguna inta badan dhaliilaya doorashada Khaatumo ee cali Khaliif Madaxweynenimada loogu cimaaday, waxaana siyaasiyiintaasi la mid ah Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Shugri Xariir.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isna xaflada ka hadlay ayaa sheegay inaana wax soconaya noqon doonin sheegashada maamulka Khaatumo ee Gobolada SSC “wax soconaya maaha Khaatumo ee yaan la buun-buunin Somaliland waa muqadas”ayuu yidhi Baashe.

Madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa oo xafladan fadhiya ayaan wali iyagu codbaahiyaha lagu soo dhaweyn, lana sugayaa goor dhow inay xaflada soo xidhaanWasiirka-cusub-ee-caafimaadka

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.