“Xafladdii Caleemo Saarka La Iguma Casuumin,” Jamaal Cali Xuseen

0

Hargeysa(Sayruuq) Jamaal Cali Xuseen musharraxii madaxweynaha ee xisbiga UCID kuna biiray xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in aan la siin kaadhka marti qaadka caleemo saarka Madaxweyne Muuse Biixi. Waxa uu sheegay in aan gabi ahaanba garabkiisii loo qoondayn wax kaadhadh ah.

Khilaaf ma jirin ee waan imanayay, aniga oo u diyaar garoobay ba in aan imaaddo, horta kaadhadhkii la iima keenin, habeenkii aniga oo halkan maraya oo xaflad hadal ka jeedinaya ayuu Maxamed Kaahin gaadhi iiga dhex yeedhay oo I yidhi ‘Hal kaadh qaado’ anna waxaan ku idhi garab dhan baan ahaa oo xisbiga xoog ku soo biiriyaye maenad kaadhadhkayagii aniga iyo garabkayga u hayn? Markii uu yidhi ‘maya ee xabaddaas uun baan kuu haya’ anna waxaan idhi dadkii ku odhan kari maayo ana meeshii waan tagay idinkana waan idinka tagay ee iyaga Ayaan la joogaya ee dhibaato ma leh dadkuna way badan yihiin..,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka Jamaal Cali Xuseen.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.