Xafiiskii U Horeeyay Ee La Aqoonsan Yahay Oo Somaliland Furatay

0
Xafiiskii U Horeeyay Ee La Aqoonsan Yahay Oo Somaliland Furatay

Xafiiskii U Horeeyay Ee La Aqoonsan Yahay Oo Somaliland Furatay

Iyada oo ay jiraan caqabado badan oo ku xeeran Somaliland oo ay ka mid tahay Ictiraaf la’aantu, Somaliland taasi kamay hor istaagin in aynu dunida wax la qaybsano, la danneeyo Adduun la gashado, oo la aamino, taasi waxaa fure la mahadiyay u ahaa dhisida xidhiidhka ka dhaxeeya labadan dal ee Somaliland Iyo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Maanta waa maalin kale oo innagu qaali ah oo aynu xadhiga ka jarnay xafiiskii ugu horreeyay ee Somaliland yeelato ee laga furo dalka dibediisa ee loo aqoonsado xafiis dawladeed oo ka shaqeyn doona arrimaha horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, siyaasada, amniga iyo samo-falka. Si gaar ah waa xafiis fudaydin doona soo badhigista fursaha tirada badan ee ganacsi iyo maalgashi ee Somaliland ka bannaan.

Derajada sare iyo aqoonsiga uu helay xafiiskan “Somaliland Trade Office” waxay xoojin u noqon doonto iskaashigii iyo isku tiirsanaantii ka dhaxaysay labada dal.

 

Ugu dambayntii waxaan u mahadnaqayaa dhammaan martidii na gala soo qayb gashay xadhig ka jarista xafiiskan oo ugu horreeyo Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Abdirahman Cabdilahi Ismaaciil ‘Saylici’ wasiirka Arrimaha Dibedda JSL Dr. Sacad Ali Shire, Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta JSL Jaamac Maxamuud Cigaal, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, Hoggaamiyaha Khaamuto Dr. Cali Khaliif Galeydh, madaxda ka socotay dalka Imaaraadka carabta, Rugta Ganacsiga Dubai, iyo Shirkadaha DP World, Fly Dubai Air Arabia.

Baashe Cawil Cumar

Wakiilka Somaliland Ufadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Allaa Mahad Leh.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.