Xafiiska UN Oo 18 May Ku Daray Maalmaha Fasaxa

0
Ergayga Qaramada Midoobay Oo Socdaal Ku Jooga Hargeysa iyo Madaxweynaha Oo Uu Maanta La Kulmaayo

Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM ayaa maalmaha fasaxa sannadka 2020 ee  shaqaalaha ku daray maalinta 18 May ee la soo noqoshada Qaranimada Somaliland.

Xafiiska UNSOM ayaa waraaq rasmi ah oo ku taariikhaysan 9 December 2019, oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Geeska Afrika arkay, wuxuu u kala diray shaqaalaha ku sugan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay warqadaas ku soo bandhigeen fasaxyada rasmiga ah ee shaqaalaha Qaramada Midoobay ee sannadkan.

Fasaxyada sannadkan 2020, waxa ku jirta 18 May oo ah maalinta la soo noqoshada Qaranimada Somaliland, waxaana fasax ahaan doona shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Somaliland oo keliya. “(18 May Independence day (Somaliland only).” Ayay warqadu u qorantahay.

26 June oo ah maalintii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, waxa iyana fasax ahaan doona shaqaalaha Somaliland iyo Soomaaliya oo aanay ku jirin kuwa Puntland, sida warqada ku xusan.

Maalinta 1-da July oo ah maalintii ay Midoobeen Somaliland iyo Soomaaliya waxa fasax ahaan doona shaqaalaha ku sugan Soomaaliya oo ay Puntland ku jirto.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.