Xafiiska Qaramada Midoobay Ee UNSOM Oo Talo U Jeediyay Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland

0

Hargeysa(Sayruuq) Xafiiska hawlgalka qaramada midoobay ee Somalia/Somaliland (UNSOM) war saxaafadeed uu soo saaray 29-11-2017 waxa uu ku hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. UNSOM ayaa sidoo kale talo ku saabsan dawladda uu dhisi doono u jeedisay Madaxweynaha la doortay

Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay waxa uu hambalyaynaya xisbiga Nabada, Midnimada iyo horumarka ee Kulmiye doorashada Muuse Biixi Cabdi loo doortay Madaxweynaha Somaliland sida ay xaqiijisay shalay Maxkamadda sare.

Kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah labaduba waxay tilmaameen in hannaanka doorashada iyo codaynta lafteeduba guud ahaan loo qabtay si nabad ah kana soo baxayaan natiijo la isku halayn karo. UNSOM taas ayuu soo dhawaynaya waxaanu ammaanaya hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo dhaqanka Somaliland sida ay u xalliyeen khilaafaadkii doorashada la xidhiidhay ee soo baxay. UNSOM wuxuu ku boorrinaya Maamulka imanaya in uu sii wado Siyaasad loo dhan yahay oo horumarsan, Isku dhaf dimuqraadiyadeed, Nabad iyo degenaansho ka dhexeeya dhammaan reer Somaliland.

UNSOM waxay sii wadaysa dhisidda xidhiidhka jiray ee ay Somaliland la lahayd, kaas oo ku salaysan hannaanka la isku raacay ee Qaramada Midoobay ku taageeraysay Somaliland iyo qorshaha horumarinta Somaliland ee labaad(Somaliland’s Development Plan II). UNSOM waxay sidoo kale diyaar u tahay in ay taageerto dib u bilaabidda wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.” Sidaas ayuu u dhigna bayaanka Xafiiska Qaramada Midoobay.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.