XADID MISE SHIRQOOL: Garyaqaan Maxamed

0
XADID MISE SHIRQOOL: Garyaqaan Maxamed

XADID MISE SHIRQOOL: Garyaqaan Maxamed

Maqaalkani waxa uu ka jawaabayaa warbixin BBC-da laga sii daayey oo ku taariikhaysan 2/28/2018, taas oo ciwaankeedu ahaa:

“Suuq madoow oo carruurta lagu iibiya miyaa ka jira Somaliland? Waa maxay xukunka qofkii ilmo xada?”

 

Xaqiibaa Yidhi :

WAA MAXAY XUKUNKA LAGU QAADAYO QOFKII QOF SHIRQOOLA?

Magacaygu waa Maxamed Cabdikariim Axmed, waxa aan ahay garyaqaan  madax banaan. Arintan waxa aan ku sameeyey baadhitaan aad u qoto dheer. Arintu way ka duwan tahay sida hada loo dhigay ee BBC-da looga siidaayey. Hadii baadhitaanka la sii wadona waxa hubaal ah in xabsiga loo taxaabi doono gabadha hada sheeganeysa in wiilkeedii laga xaday oo ah la xukumaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi xasan habrawadaagtii ruma, wiilka lagu masabideyna uuba yahay inankii uu abtiga u ahaa, gabadha lala soo xidhayna ay tahay mid loo caga jugleeyey ama la blackmail-gareeyey si ay markhaati beena u furto; waxa intaa dheer oo la ii sheegay in wiilka la waayey la aaminsiiyey in abtigii uu falay isaguna uu iska daba dhaqaajiyey uuna is arkay isaga oo jooga abaarso; wiilkii yaraana waxa uu ku adkaystay abtigay wuu I taabtay ana waan iska daba dhaqaajiyey. Masabidaadan waxa ka soo horeysay wanjalaad kale oo ah in la xukume Cabdiraxmaan uu gabadhan ka xaday joog lacagi ku jirto, waxbana lagu waayey, markii taasi ay socon wayday ayaa loo soo gudbay wiilkayagii adigaa naga xaday, sidaasi darteedna, Cabdiraxmaan waxa lagula kacay shirqool in mudo ahba laga soo shaqaynayey. Inta aan la isla gaadhin waa maxay xukunka lagu qaadayo qofkii caruur xada? Waxa aan leeyahay: WAA MAXAY XUKUNKA LAGU QAADAYO QOFKII QOF SHIRQOOLA?

 

Gar waa loo wada islaam, dhawr qodob ayaan rabaa in aan halkan ku bayaamiyo :-

1- labada qof ee la sheegay in ay ka dambeeyaan xatooyada ilmahan yar oo kala ah Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan iyo Khadra Cabdullaahi Maxamed, isma yaqaanaan, wax aqoon ah oo ay isku leeyihiin haba yaraato’e ma jirto. ilmaha cida lagu qabtay waa khadra isagu markaas tuhun buu u xidhnaa.

2- gabadha khadra la yidhaahdo waxa lagu sameeyey Blackmailing waa loo hanjabay, afkeeday ka sheegtay in nin C-I-D-da ka tirsan oo arintan baadhayey uu madaxa bastoolad ka saaray cadaynteediina waa lahayaa kitaab ayaana waliba gacanta lagu saarayaa.

  1. sida aan ka dheehday warbixinta loo sheegay BBC-da, waxa aad loo khafiifiyey xidhiidhka qaraabanimo ee ka dhexeeya Cabdiraxmaan Cabdullaahi xasan iyo hooyada sheeganeysa in ilme laga xaday. aan laba tuduc ka soo xigto warbixinta BBC-da : BBC-du waxa ay sheegtay sidan: [[Waxaa la sheegay in qof ka mid ah dadka la xukumay uu ilmo ka kaxaystay magaalada Hargeysa, ilmaha waxaa dhalay [“reer ay qaraabo ahaayeen qofkan”], wuxuuna geeyay magaalada Abaarso, kadibna waxaa la qabtay iyaga oo ilmaha yar dalka dibedda uga dhoofinaya.]

waan diiday in aan aqbalo jumlada ah “reer ay qaraabo ahaayeen”] waayo waxa loo qaadan karaaba in isku qolo yihiin oo kale, laakiin Cabdiraxmaan Cabdullaahi xasan iyo hooyada ilmaha dhashay waa habrowadaag oo laba dumar ah oo walaalo ah ayaa kala dhalay, ilmaha yarna Cabdiraxmaan Cabdullaahi waa u abti. Cabdiraxmaan iyo hooyada ilmaha dhashay hore ayey isugu dhaceen oo ismay dabaysan jirin. Cabdiraxmaan Cabdullaahi waxa uu gurigiisa joogay oo uu la noolaa habrowadaagii, hooyada ilamaha dhashay walaalkeed. sidaa darteed, xukunka Cabdiraxmaan ku dhacay waa dulmi weyn oo xadhko goys ah.

4- waxa jirta cadaawad qoys oo aad u fog. baroortu orgiga way ka wayntahay. soomaaliyeey ilme yar baa la xaday waa laga shisheeyaa.

5- dayac weynbaa ka muuqda, baadhitaanka CID-da, iyo xukunka maxkamadaba. ogaanshaha cadaawada fog ee u dhexeysa Cabdiraxmaan iyo habrowadaagtii CID-da ayaa looga fadhiyey inay soo kala cadayso. dhanka xukunka maxkamada, garsooruhu waxba kamuu bedelin sidii wax loogu sheegay ee ahayd in ninku uu xaday ilmaha, waxana cad in aanu dhegaysan dhinaca ilmaha lagu eedeeyey oo ah Cabdiraxmaan, wax garawshiiyo ahna aanu siin. waayo garsooruhu waxa uu ku khalkhalay faldambiyeedkan dhan uu u qaado, waxa uu garan waayey dabciga kiiskani aqoonta shirciga fiilka uu la xidhiidho, “nature of the case and the knowledge of law or which field this case relates to”. taas waxa kuu cadayneysa indho iska soo tuurka xeer ilaaliyihii cabdiraxmaan ku moosay garta cadaawe, waana sidan : [Sida uu sheegayo Aadan Salaad Seed oo ah xeer illaaliyaha dacwadan gacanta ku hayay , ma jiraan xeerar u gaar ah dambigan oo kale oo loo cuskado xukunka, sidaasi darteed ayaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay xukunka dbacsan ee ku dhacay dadkan”.]

6- waxa aan halkan ka cadaynayaa in marka koowaad kiiskani uu yahay shirqool ama mu’amarad laga soo shaqeeyey horena loo sii qorsheeyey “Conspiracay” ., marka xigta waxa aan leeyahay aqoonta sharci ee kiiskan la xidhiidhaa waa “Conspiracy law” lamana dabaqin walaalayaal, waxa aan leeyahay: dib haloogu noqdo su’aasha ah waa maxay xukunka qofkii qof shirqoola?

GEBOGEBO:

-Xukunka maxkamda gobolka ee ah in Cabdiraxmaan cabdilaahi xasan uu yahay dambiile; uuna mutaystay xadhig laba sanno iyo lix bilood ahi waa dulmi, xaqdaro, xaaraan, indholaan, amarkutaagleyn iyo gef bani’aadanimo.

– Lama horkeenin maxkamada sharafta leh, cadaymo muujinaya in Cabdiraxmaan uu mudanyahay xadhig laba sanno iyo lix bilood ah.

cadaynta qudha ee maxkamada la horkeenay waa Khadra Cabdullaahi Maxamed, oo ah eedeysanta cabdiraxmaan lala xukumay ee la sheegay in ay abaarso degantahay; ilmahana gacanta loo galiyey oo sheegtay in aanay cabdiraxmaan aqoon u lahayn, oo sheegtay in loo cago jugleeyey oo bastoolad madaxa laga saaray, laguna amray inay furto markhaati been ah, loona balan qaaday si aanay markhaatiga u diidin in iyada la fasixidoono kolka ay maraga furto, sidee ayey gabadhani u noqon karaysaa markhaati? halkee ayey se ka soo gelaysaa?

-Si loo buunbuuniyo dhacdada loona kasbado garawshiiyaha dunida soomaalida, Dulmigan badheedhka ah wasakhnimadiisu waxa ay sababtay in BBC-da nacabka ahi ay la soo xidhiidho taliyaha ciidanka booliska somaliland ugu sareeya Cabdilaahi Fadal Iimaan,  ay somaliland ku tilmaato wadan uu ka jiro suuq madaw oo caruurta lagu iibiyaa, ayna ugu yeedho jamuuriyada iskeed isku magacawday. Waa kiis xaaraan ah oo somaliland gayeysiiyey wax aanay gayin. Maa in rag karo, in qarankeena lagu dhaliilo. Sidaasi darteed, xaga garsoorka iyo CID-daba waxa jira dayac weyn “Negligence”, go’aanka maxkamadu soo saartay waxa aan u arkaa mid aan lagu hawshoon, oo maskaxda iyo wakhtigaba lagala bakhaylay ama waxa afka qalaad lagu yidhaah, “On autopilot Verdict”.

biyo meel godan, hadalna murti : su’aal baan weydiin rabaa dhamaan dadka muslinka ah ee dunida ku dhaqan inta afka soomaaliga ku hadasha: “LABA QOF OO AAN AQOON ISKU LAHAYN, OO LAGU EEDEEYEY IN AY DAMBI KAWADA QAYB QAATEEN, XUKUNKIINA DHACAY, SIDEE AYUU QOFI  MARKHAATIGA UGU FURI KARAA QOF KALE OO UU SHEEGAY IN AANU WAX AQOONABA U LAHAYN?” yaaaaaaaaaaaab!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Garyaqaan Maxamed Cabdikariim Axmed​

moxamedshiil@gmail.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.