Xaddiga Lacageed Ee Shirkadda Dahabshiil Ugu Deeqday Beledweyne

0

 

Shirkaddaha Dahabshiil Group oo $150,000 ugu deeqay Dadka Daadadku ku
Tabaaleeyeen Beledweyne
Guddoomiyaha iyo Maamulka sare ee Shirkadaha Dahabshiil Group waxay Tacsi u dirayaan
eheladda dadka ku waxyeeloobay fatahaadaha Baladweyne, Berdaale Iyo Gedo.
Iyada oo shirkadaha Dahabshiil Group mar walba u taagan yihiin daryeelka bulshada iyo kaqayb
qaadashada gurmadyada degdegga ah goob kasta iyo goor walba oo loo baahdo, sida
abaaraha, fatahaadaha, iwm, waxa Maamulka Guud ee shirkadaha Dahabshiil guddoonsaday
in si mug leh looga qayb qaato musiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka ay barakiciyeen
fatahaaduhu.
Haddaba, Shirkadaha Dahabshiil Group, iyaga oo ka jawaabaya baaqyadaa, kana damqaday
dhibta baaxadda leh ee soo gaadhey dadka maatida ah, waxa ay go’aamiyeen in gurmad deg
deg ah loo fidiyo qoysaskaasi waxyeelladu soo gaadhey, Waxay Shirkadaha Dahabshiil Group u
garteen in Raashin iyo iyo agab kale oo qiimihiisu wadar ahaan gaadhayo US$150 000 oo ah
wajiga hore lala gaadho barakacayaasha Beledweyne, Berdaale Iyo Gedo.
Shirkadaha Dahabshiil Group waxay ugu baaqayaan dadka Soomaaliyeed ee wax haysta, gudo
iyo dibedba iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka taakuleynta barakacayaasha ay
ku habsatay aafada dabiiciga ah inay ka qayb qaataan gurmadka iyagoo usoo marin kara
Akoonka ka furan Dahabshiil ee MUQD0052734 ama eDahab 0623258080, waxana
maamulaya akoonaddan Gudidda Ganacsatada waaweyn, Culimadda iyo Shirkadda Dahabshiil.
Wa billaahi Tawfiiq

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.