Xaaladdi u Dambasay ee Dalka Itoobiya iyo Caawa

0
Xaaladdi u Dambasay ee Dalka Itoobiya iyo Caawa

Rabshadihii iyo Kacdoonkii ay wadeen Qoomiyadda Oramada oo sababay 1200 Qof Xabsiga la dhigo.

Rabshadihii iyo Kacdoonkii ay wadeen Qoomiyadda Oramada ee dalka Itoobiya oo keenay in 170 qof ku dhaawacmaan.halka ay ku dhinteen dad gaadhaya 166-qof,waxayna isugu jiraan Shacab iyo Boolis dadka ku dhintay rabshadaha.

Rabshadahan ayaa Magaalada Shashamane ee Deegaanka Oromada ayaa guud ahaan burburtay,waxaana la burburiyay Huteelo iyo Ganacsi baddan,waxaana u ee kaatay Shashamane Suuriya,waxa kale oo ka mida Magaalooyinka la burburiyay Magaalada ZUWAY.

Waxaana Xabsiga Magaalada Addiss-Ababa la dhigay dad tiradoodu gaadhayso 1200-qof. Sidoo kale Deegaanka Oromada waxa xabsiga la dhigay 1084-qof.

Sidoo kale dadka ku dhintay Rabshadahaas ayaa gaadhay 166-Qof,waxayna isugu jiraan Shacab iyo Boolis ku dhintay rabshadihii dhawaan socday,waxaana dhaawaca Cisbitaalada lagu dabiibayaa gaadhayaan 170-qof.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.