Xaaladda saxaafadda Somaliland.

0
Tafatirihii Guud ee Shabkadda Hadhwanaag Oo La Xidhay

Xaaladda saxaafadda Somaliland.

Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asparo, oo ka tirsan shabakada Hadhwanaag, ayaa xidhan halka shabakadana hore loo xayiray.

Maxamed Cismaan Mire ( Sayid), ayaa xidhan oo ah guddoomiyaha TV-ga Horyaal halka hore ciidamada dawladdu ula wareegeen TV-ga.

Ilaaliyihii xarunta TV-ga Horyaal ayaa isna saaka xukuumaddu xidhay.

Wariye Siciid Cagjar, oo isna ciidamadu doonayaan ayaa deegaamada Somaliland ka baxay.

Horre waxa xabsiga ugu jiray Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo muddo ka badan 3 sannadood lagu xukumay.

Xukuumaddu waxa ay todobaadkan soo saartay go’aammo ay ku jaangoynayso qaabka wararka TV-yadu u kala horimarinayaan wararka ka baxa.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.