Xaaladda Madaxa Komishanka Doorashooyinka Somaliland Ee Sanaag, Xildhibaan Qamar Taleex iyo Xubno Ka Socday Ururo Wacyigalineed Oo Maamulka Puntland Afduubtay

0

Ceerigaabo(Sayruuq)- Ciidamo taabacsan maamulka Puntland ayaa la sheegay inay xoog ku kaxaysteen guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland u qaabilsan gobolka Sanaag iyo laba Urur  oo wacyi galinta diwaangalinta doorashada ka fulinayay degaanno dhinaca bari ka xiga Ceerigaabo.

Taliyaha maamulka Puntland ugu magacaaban bariga gobolka Sanaag Cabdillaahi Cumar Cashuur, ayaa hogaaminayay ciidanka qafaashay xubnaha ka socday ururada wacyigalinta iyo komishanka doorashada, waxaanay ku haystaan Degaanka Badhan, sida wararka hordhaca ahi sheegayaan.

Sida uu cadeeyay guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Fly, waxaa maanta lagu afduubtay tuulada Yubbe oo 50-km bari ka xigta magaalada Ceerigaabo guddoomiyihii gudiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi, xildhibaanad Qamar Taleex oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo iyo afar qof oo kale oo la socday.

Xildhibaan Qamar Taleex Qaar ka mid ah Warbaahintu khadka telefoonka kala xidhiidhay ,iyadoo oo ka mid ah xubnaha la kaxaystay, waxayna sheegtay inay nabad qabaan, kuna sugan yihiin magaalada Badhan “Xaaladdayadu way fiican tahay wax dhibaato ahina naguma dhicin laakiin dee waa nala qabqabtay oo qolada Puntland ayaa na qabatay waxaana nala geeyay Isteeshin halkan ah, aniga Suuqa ayaa la I geeyay Nimankiina meel halkan ah ayay joogaan,” ayay tidhi Marwo Qamar.

Xildhibaan Qamar Taleex waxay sheegtay in la haysto balse aanay xabsi ku jirin. Waxay sidoo kale sheegtay inay socoto waan-waan ay filayaan in wanaag lagu dhammeeyo arrintooda. Qamar taleex ayaa sheegtay inay iyadu magaalada iska joogto balse Nimanka lala kaxaystay barxad banaan fadhiyaan oo lagu ilaalinayo. waxay intaasi raacisay inaanay wakhtigan faahfaahin dheeri ah bixinayn.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland, Siciid Cali Muuse, ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in Xubnahan la kaxaystay xaaladdoodu wacan tahay islamarkaana ay Badhan ku sugan yihiin. Waxa uu sheegay inaan arrintooda afduub lagu macnayn Karin, balse ay tahay arrin sahlan. Wuxuu sheegay in wada hadal xubnaha xidhan lagu soo daynayaa socdo

Xukumadda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhiiri galinaysay sidii loo dardar galin lahaa dadaalo lagu doonayo in gobolada bariga Somaliland laga hirgaliyo doorashooyinka sanadka 2017-ka ee madaxtooyada iyo golaha wakiillada, waxaana maanta gobolka Sanaag ka bilaamatay wacyigalinta diwaangalinta.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.