Xaaladda Boorama Oo Saldhig Boolis La Weeraray

0
Dawladda Itoobiya Oo Qabatay Laba Ka Mid Ah Dablaydii Soo Weerartay Saldhiga Boorama Hargeysa(Sayruuq)-Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigtay laba ka mid ah dablaydii habeen hore salaadii subax weerartay saldhiga degmada Borama ee gobalka Awdal. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Dablaydan ayaa markii ay hawlgalka fuliyeen waxa ay qaarkood u talaabeen xuduudka Itoobiya ka dib markii ay hawlgal ay ku raad joogaan fuliyeen ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana dawladda Itoobiya ay qabatay laba ka mid ah kooxda hubaysan ee u talowday, ka dib markii ay dawladda Somaliland ku wargelisay Itoobiya inay kooxdaasi u talowday xuduudkooda. Sida uu warkani sheegay dawladda Somaliland ayaa isla shalayba ka codsatay Itoobiya inay u soo gacangeliso labada xubnood ee ay qabatay. Kooxdan oo uu hawlgalkooda sheegtay Suldaan Wabar, ayaa waxa ay fuliyeen hawlgal kooban oo aan sababin wax khasaare ah, waana hawlgalkii u horeeyay ee ay fuliyeen tan iyo intii uu Madaxweyne Biixi qabtay talada Somaliland sannadkii 2017.

Dabley aan heybtooda la garaneyn ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidammada ee magaalada Boorama.

Booliska iyo kooxdii weerarka soo qaaday ayaa rasaas isweedaarsaday, waxaana markii dambe boolisku ay baacsadeen kooxdaas,sida ay sheegayaan wararka.

Waxaana lagu soo warramaya in imika xaaladda magaalada Boorama ay degen tahay isla markaasna kooxdii weerarka soo qaaday ay isaga baxeen halkaas.

Wax khasaare ah oo ka dhashay ma jiro dhibaatadaas.

Guddoomiyaha gobolka oo la hadlay weriyaha BBC ayaa sheegay in hadda ay howlgallo wadaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.