Xaalada wasarada caafimaadka gobolka Sanaag & Hospitalka Ceerigaabo.

0

Xaalada wasarada caafimaadka gobolka Sanaag & Hospitalka Ceerigaabo.

Mudada #Madaxweyne muuse biixi talada dalka hayey oo hada ah laba sano (2years) hospitalka ceerigaabo iyo adeegyada caafimaadka gobolka sanaag wax soo korday malaha, waana meelaha somaliland ugu cabashada badan xaga madmadowga, wax daba marinta, iyo isla xisaabtan la aanta ceerigaabo iyo gabiley ayaa kaalinta koobad isku heysta. Masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimaadka gobolka Sanaag iyaga jeebkooda iyo hayntooda wax weyn ayaa iska badaley, hanti badan oo mudada ay xilka hayeen waa ka sameysteen, midmid ayan idinla soo wadaagi donaa.

12/2/2018 ayaa wasiirka hore caafimadka somaliland DrHasan Ismaaciil magacaabey masuuliyinta wasaarada hormarinta caafimadka ugu sareysa gobalka (sida idinka muuqata marqada magacaabista), mudo sanad ah markii ay shaqeynayeeen waxa la ogaadey ineynana wax isbadala gobolka ku iman adeegyada caafimaadka wax ka sii dhaca mooyaanee. darsid iyo dhageysi ka bacdi waxa uu wasiirka hore ku qancey inuu badelo agaasimaha hospitalka ceerigaabo halka uu mudo 6bilooda (6 months probation period) uu u qabtey isuduwaha wasarada hormarinta caafimaadka gobolka sanaag. Mudada lixda bilood iyada oon dhamaanin ayuu wasiirka hore shaqada ka tagey. Sidaasbey jadwalka lagu socdey iyo isla xisaabtan kii hore ku istaagey, waxwalbana zeero uga soo bilaabmeen.

Caqabadaha ugu waa weyn ee wasaarada caafimaadka gobolka Sanaag ka taagan waxa ka mida;-

[#] hospitalka ceerigaabo waxa hadheyey khilaaf u dhaxeeya masuuliyinta hospitalka iyo masuuliyinta kale ee wasarada heer gobol iyada oo inta badan khilaafkoodu salka ku hayo sida loo maamulayo lacagta haayaduhu ugu deeqaan hospitalka sida (UNFPA, SDF, Bishacas iyo kuwa kale)
[#] Mushaarka shaqaalaha haayadaha kala duwan ku bixiyaan toos u wada gaadhaan iyada mid walba qeyb laga jaro.
[#] Iyada oo shaqaalaha hospitalka joogaa bilaa guna yihiin, ayey shaqaale kale suuqa laga soo qaataa bilaa camala kuna qanacsan wixii la siiyaba. Intooda badan waxa lagula heshiyaa iney kala badh mushaarka soo celiyaan.
[#] Mobile team gobolka sanaag ka shaqeeya intooda badan maaha xirfadle caafimaadka, waxayna ubadan yihiin dad suuqa laga qortey mushaarkoodana kala badh celiya sida ay ila wadageen shaqaalaha caafimaadka gobolka sanaag.
[#] Shaqaalaha hospitalka iyo kuwa kale ee ay haayada kala duwan mushaarka siyaan ma helaan #Contract amaba ma yaqaanan lacagta ay xaqa u leeyihiin, ee ay bilwalba helayaan. Tusaale mashruuca #Simook ay lacagtisa bixiso UNFPA, shaqaalaha ku guna qataa waxay xaq u leeyihiin lala ma wadaagin, sida #cheque xaga hoose idiinka muuqda Qofka shaqaalaha qualified waxa loogu talo galey 300dollar, halka nadiifisa loogu talo galey 80dollar, sida cheque ku cad shaqaalaha hospitalka ceerigaabo lacagta loogu talo galey ma helaan, mauuliyinta wasaarada caafimadka heer gobol ayaa kolba sida ay jecel yihiin udhiga, key donaan wey ka jaraan, kay doonaana wey siiyaan, sida oo kale tirada shaqaalaha ay haayadaha kala duwan gunada siiyaan ma cada, wax la isla og yahey maaha, madaama aan tirada shaqaalaha mushaarka haayadaha cadeyn, waxa shaqaalaha caafimaadka tibaaxayaan, intiro shaqaalaha mushaarkooda ku dhacdo jeebado gaara, madaama aan shaqalaha wax warqada laga saxeexin, suuqa madaw ayaa laga saxeexdaa intoodaba badan.
[#] Masuuliyinta wasaarada heer gobal dhawr haayadood oo kala duwan ayey guno ka qataan, aan #one_dollar lagama jaro, halka shaqaalaha halka guno qaata lacag ayna qaadi Karin laga jaro, tusaale waxa aan usoo qaadan karaa isuduwaha waasarada caafimaadka gobalka sanaag waxa uu ka mushaarka qataa, hospitalka ceerigaabo #dhakhtarnimo, SDF, UNFPA, sida idiinka muuqata labada #cheque ee xaga hoose idiinka muuqda, halka uu dhamaan mushaarad kale isuduwanimo iyadna qaato kala mid yahey isuduwayasha kale ee somaliland. Sida oo kale isuduwe ku xigeenka (PHC) ayaa kala mida dhawr meelood kala duwan ka mushaar qaata sida ku cad warqada ha xaga hoose idinka muuqda ee magaca isuduwaha ku xigeenka ku wato Saeed Hasan laba xil kala duwan kala ah (PHC iyo supervisor) kuna kala mushar qaato, halka dhakhatiir kale badan iyo shaqaale kala bilaa mushaar yihiin. Wax guna ayna qaadan.
[#] Store hospitalka ceerigaabo daawo badan ayaa ku dhacaysa iyada mudo taaley store hospitalka ceerigaabo, halka daawada qaybo kale kamida lagu dhex iibinayo suuqyada magaalada ceerigaabo, daawada waxa laga saraa habeenkii iyada oo qaarkeed caagado ku jirto oo moorsan, ayaa suuqyda lagu dhex iibinayaa, Shaqsiyaad daawada ka ganacsada hospitalka ceerigaabo waxa ka mid ah isuduwe ku xigeenka (PHC) gobolka sanaag oo xarun caafimaad oo uu gaar uu ulee yahey magaalada ceerigaabo. #Weged_pharmacy.
[#] Seminars iyo training waxa loo diraa shaqsiyaad hargeysa jooga oo ay isku xidhan yihiin masuuliyinta wasaarada heer gobal, amaba qoysas yihiin, iyada oo aan loo dirin shaqaalaha xaqa uleh ee hospitalka iyo wasarada u shaqeeya.
[#] Pharmacy hospitalka ceerigaabo waa xidhan yahey inta badan lacagta daawada lagu iibiyo, waxey ku dhacdaa zaad number shaqsiyaad gaar ah ay lee yihiin.
[#] Isuduwaha gobalka sanaag waa shaqsiyaadka ay aadka iskugu dhaw yihiin agaasimaha guud, xidhidh hoosena inuu ka dhaxeeyo la aamin san yahey, xidhiidhkodu waxa uu ka soo bilaabmey iscasilada DrHasan Ismaaciil, waxayna shaqaalaha hospitalka ceerigaabo aamin san yihiin lacag mashruuca UNFPA kuwada socdaan laba dooduna wada maamulaan. Kolba waxa shaqaalaha laga soo jaro la kala qeybsado.

Waxa si gooniya u dil istaagi donaa, idiin lana soo wadaagi donaa masuuliyinta wasaarada caafimaadka ee gobalka Sanaag mudadaas xilka ay hayeen hantida ay ka sameysteen iyo dhamaan mashaaric caafimadka gobalka sanaag ka socoto oo aan mid mid u qaadaa dhigi doono.

Xogtan waxay u dhawrsan tahey, ila soona wadaagey shaqaalaha caafimaadka gobalka Sanaag. Sida kale xaga hoose waxa idiinka muuqda liiska shaqaalaha iyo cheque lacagta shaqaalaha wasarada caafimaadka iyo hospitalka ceerigaabo lacagta ku qataan.

Investigator Somali healthcare Activists (ISHA)
© Xigasho: Nouman M Muse

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.