WIIL IS-WAALABA WAABIYAA HELA: Cali Guray

0
VOA Xogo Ka Heshay Qaraxii xarunta gobolka Banaadir

WIIL IS-WAALABA WAABIYAA HELA

Waxa Qoray Siyaaasi Cali Guray

“Dalkan Doorasho Ka Qabsoomi Kartaa Ma Jirto Eh Yaan Dadka Been Loo Sheegin,”

Halka ay marayso xaaladda Muqdisho waa suurtogal in runta la isugu yimaado. Go’aankii ugu dambeeyay ee Farmaajo wuxu ahaa mid uu keligii qumanaanta isa siiyay qaloocana uu qayrkii uga tegay. Runtuna waxay tahay dhinacyada isku haya talada Muqdisho ma jiro dhinaca keligii wada sax ah ama wada qaldani. Amar-diidada uu ku kacay masuulka ugu sareeya amniga Muqdisho oo ah Taliyaha Booliska Banaadir marka laga eego
dhinaca xal u raadinta khilaafka way soo dhawayn kartaa waayo Madaxwaynaha muddo xileedkiisi dhamaaday tiisu keligii u socon mayso lagana aqbali maayo eh bal qabso. Sinaariyaha ugu xun ee laga fakari karaa wuxu yahay Farmaajo oo indhaha ka qabsada waabu ka qabsadaye goa’aankii Beesha Caalamka qodobkii ahaa IN AAN DHINACNA KELIGII TALAABO U GAAR AH ARIMAHA LA ISKU KHILAAFSAN YAHAY sida uu Farmaajo wado ee weliba uu cadeeyay in xoog (xadhig iyo xabbad) uu ku meel marsan doono. Sheekadu ma waxa uu hadda rumaysan yahay in ay sidaa ku dhamaatay mar hadii Golaha Sacabka ee isaga gacanta ugu jiraa ay ansixiyeen laba sanadood oo muddo kordhin ah? Dee malaha waabay noqon hadiise ay u marto maxaa hadhay? Dee waxa hadhay:
WADADII CADAYD CAGTA SAARTAYER
CIMRIGII JIRYOW CAYNAANKA HAY. Madaxwayne Farmaajo tusaalihiisa dawlad wanaaga waxa u ah Taliskii Maxamed Siyaad Barre oo isagu uu u qabo dawladdii ugu wanaagsanayd hadiiba aanay ahayn tii keli ahayd ee abid soo martay soomaali. Wixii dil iyo xasuuq uu geystay taliskii Siyaad Barre isaga xagiisa waxay ka yihiin wax sax ahaa kuna difaacayay qaranimo soomaaliyeed. Sidaa daraadeed ayaa had iyo goor waxa ka ag dhadhaw oo ugu dhaw intii iyo tooska ugu lug lahayn dhagartii laga galay shacbiga soomaaliyeed iyo weliba bini aadminimada ee dunida oo dhan laga og yahay.

Farmaajo maaha Madaxwaynihii isu keeni lahaa soomaali daaye xataa inta ogol ee uu ka taagan yahay calanka buluukiga ahi balse wuu muuqdaa in hankiisu yahay waxad ku qabsan kartaa xoog iyo xadhig iyo xabad. Isaga oo hilmaansan wixii ka gaadhay adeerkii Siyaad Barre oo isagu ku haysan kari lahaa xukunka xadhig iyo xabad.
Miskiin yaa u sheega Farmaajo in adeerkii Siyaad Barre uu ahaa Madaxwaynihii Soomaali ugu nasiibka darnaa ee mar keliya isagoo soo taagan oo xay farahiisa ka waayay dal iyo dad dhan oo isagu xukumayay.

Farmaajo hadda majaraha uu qaatay waxba iskagama tirinayo Dani iyo Axmed Madoobe labadaba marka uu ka takhaluso halka keliya uu ku hamiyayo una soo xidhxidhan yahay waa Somaliland oo ah halka uu doonayo in ugu dambaysta uu ku qaato koobka finalka. Ismoogna udbihii bay aslaysaa is mana oga. Isagoo og khilaafyada gudaha Somaliland iyo qaybqaybsanaanta ka jirta kana faaiidaysanaya wuxu rumaysan yahay in si dhib yar uu gacanta ugu dhigi karo gobolada bariga ee Somaliya ku qabsan halkaana uu kaga sii fidi karo Somaliland inteeda kale.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh xaaladdan cusubi xal uma noqon karto khilaafkii jiray mana soo dhawayn karto xal loo wada dhan yahay. Go’aankii Farmaajona wuu cad yahay oo waa ninkii rooni reerka ha u hadho balse lagama yaabo ugu dambaysta in isagu uu noqon doono ka reerka u hadhi doono, bulshada caalamka iyo daneeyayaasha Somalia inta ugu badan uguna awoodda badan hadda waxa u furan in aanay ka warwareegin xalka oo ah sidaa Farmaajo meesha looga saari lahaa in aanay Somalia gelin xaalad dagaal sokeeye oo weliba qabyaaladaysan

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.