Wershada iyo Tirada Cisbitaalkani u Adeegayo ayaa Xiiso Leh

0
Geelle & Al-bashiir Oo Soo Gaadhay Jimma

Wershada iyo Tirada Cisbitaalkani u Adeegayo ayaa Xiiso Leh

Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo ay weheliyaan Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Suudaan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xasan Al-bashiir ayaa maanta si wadajir ah xadhiga uga jaray wejiga koowaad ee Wershad weyn oo dharka soo saaraysa oo laga furay magaalada Jimma ee galbeedka Itoobiya.

Wershadaas laga hirgeliyey magaalada Jimma, waxay ku fadhidaa dhul cabirkiisu yahay 1.5 milyan oo mitir oo laba jibaaran, waxaana maanta xadhiga laga jaray wejigii kowaad oo ay ku baxday lacag dhan 61 Milyan oo Doolar.
Dhinaca kalena Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan ay xadhiga ka jareen cusbitaal laga furay jaamacadda Jimma University.
Siday baahisay warbaahinta Itoobiya, waxa cusbitaalkaas cusubi uu u adeegi doonaa 15 milyan oo qof, waxaana ka hawlgeli doona 1600 oo shaqaale caafimaad ah.
Waxa kaloo jaamacadda ay hoggaamiyaasha Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaan booqdeen maanta ka qalin-jabiyey 1700 oo arday oo ay ku jiraan 331 dhakhtar.
Cumar M.Faarax

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.