Weftiga Somaliland Oo La Kulmaya Raila Odinga

0
Weftiga Kulmiye & UCID Ee Nairobi Oo 5 Dal La Kulmay

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo hoggaaminaya wefiga KULMIYE iyo UCID ayaa la filayaa in ay la kulmaan hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Mr Raila Odinga horena u soo noqday raisal wasaaraha Kenya.

Raila Odinga ayaa hore taageero ugu muujiyay Somaliland taas oo hadalladiisu cadho ku abuureen xukuumadda Muqdisho laakiin xilligan waxa aan fiicnayn xidhiidhka Muqdisho iyo Nairobi.

Weftiga Xukuumadda Kulmiye iyo UCID oo arrimaha doorashada u tagay Nairobi ayaa u muuqda in ay la kulmeen xidhiidhka Harqaysa iyo Nairobi oo kor ugu kacaya culays Kenya saarayso Soomaaliya oo muran ka dhexeeyo.

Weftiga ayaa hore ula kulmay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Isha xogta: Somalilandchronicle

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.