Weftiga Kulmiye & UCID Ee Nairobi Oo 5 Dal La Kulmay

0
Weftiga Kulmiye & UCID Ee Nairobi Oo 5 Dal La Kulmay

Weftiga Kulmiye & UCID Ee Nairobi Oo 5 Dal La Kulmay

Wefti sare oo ka socda xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta safaaradaha shan dal oo ka tirsan Midawga Yurub. Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Denmark ee Nairobi waxa goob joog ahaa  diblamaasiyiinta waddamada Denmark, Sweden, Finland, Jarmalka iyo Ingiriiska.

Wargeyska Geeska Afrika oo Sayruuqnews ka soo xigatay warkan waxa uu tibaaxay in masuuliyiinta xisbiyada UCID iyo Kulmiye ugu xog warrameen masuuliyiinta metelayay dalalka ay la kulmeen xaaladda siyaasadda, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland gaar ahaana sida ay u qabsoomi karto doorashada Wakiillada ee dabayaaqada Sanadkan.
“Maxamed Kaahin Aniga Ka Ballanqaadaya In Aanay Mar Dambe cidi Soo Hadal Qaadi Doonin,”Jirde
Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa shalay sheegay in aanay labadaas xisbi lahayn masuuliyadda ay dalalka qaadhaanka bixiya kaligood kagala hadlayaan masiirka doorashooyinka. Cabdiqaadir Jirde oo Waddani u hadlay wuxuu intaasi ku daray in ay beesha caalamka gaadhsiinayaan eedo ka dhan ah Waddani oo ubucdoodu tahay in uu doorashada diiddan yahay.
Kulmiye Iyo UCID Oo Lagu Qaabilay Baarlamaanka Kenya
Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddu been u sheegtay safiirka Ingiriiska oo dhawaan yimid. Masuulkan hadda guddoomiyaha u ah dalalka Somaliland taageera ayaa la sheegay in xukuumaddu ku qancisay in ay qiil u hayso doorasho laba xisbi ah oo dalka ka dhacda iyo in lagu heshiiyay in sidii hore lagu galo saami qaybsiga golaha Wakiillada oo muran weyn ka taagna.
Sideed Qodob Oo Eng Faysal Si Cadho Leh Uga Hadlay
Weftiga Kulmiye iyo UCID ayaa kala ah guddoomiye xigeenka koobaad ee Kulmiye ahna wasiirka Daakhiliga Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye xigeenka 2-aad Axmed Cabdi Dheere, Siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale, Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID iyo musharrax xigeenkiisa Prof Abyan.

 “Cabdicasiis Baa Faysal Indhaha Kaga Dhacay,” Jirde
Xoghayayaha waddani Oo U Jawaabay Madaxweyne Biixi

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.