Weftiga Kenya Oo Toos U Tagay Kismaayo

0
Weftiga Kenya Oo Toos U Tagay Kismaayo

Weftiga Kenya Oo Toos U Tagay Kismaayo
Wefti ka socda dawladda Kenya oo ka soo duulay magaalada Nairobi ayaa si toos ah uga degay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland waxaana loo soo dhaweeyay si weyn. weftiga waxa hoggaaminaya guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Md Aadan Barre Ducaale waxaana ka mid ah xubno baarlamaanka ka tirsan oo laga soo doorto gobolka Soomaalidu degto ee Kenya.

Weftigan waxa uu si buuxda u jabiyay amarro ka soo baxay xukuumadda madaxweyne Farmaajo oo ku saabsan in diyaaradaha ka imanaya Nairobi ee u socda Kismaayo soo maraan Muqdisho waxaana hore diyaarad aan amar ka haysan xukuumadda Muqdisho wufuud uga keentay Puntland iyo Kenya iyada oo gaysay Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay amar duulimaadyada ka imanaya Nairobi lagu farayo in ay soo maraan magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonaan talaabadan Kenya ay ku jabisay amar ka soo baxay.
Weftiga Kenya Oo Toos U Tagay Kismaayo

Weftiga Kenya Oo Toos U Tagay Kismaayo

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.